Wariyihii Wargeyska Waaheen ee Gobolka Togdheer oo Xabsiga loo taxaabay

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer

Burco, (SLpost)- Wariyihii Wargayska Madaxa banaan ee Waaheen ee Gobolka Togdheer Axmed Muuse Maxamed (Sagaaro) ayaa maanta Badhasaabka Gobolka Togdheer Yaasiin Maxamed Cabdi si sharci daro ah Saldhiga Dhexe ee Burco ugu xidhay. Wariyaha oo aan loo keenin waaran maxkamadeed oo xidhigiisa xalaalaynaya ayaa maanta waqti uu hawl maalmeedkiisa ku gudo jiray  lagu xidhay amar afka ah oo Badhasaabku soo bixiyay .

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer

Xadhiggan wariyaha oo Badhaasbku aanu cadayn ayaa lagu wadaa inuu dabo socdo warar todobaadkii hore Wargaysyada madaxa banaan ee Ogaal iyo Waaheen ka qoren Badhaasbka warkaas oo isna wariyaha Ogaal ee Gobolka Togdheer Mahad C/laahi Faarax looga yeedhay xafiiska CID ee Burco oo Su’aalo lagu waydiiyay.

Arrintan xadhiga iyo caga juglaynta saxaafada madaxa banaan ee badhasaabka Gobolka Togdheer waqtigan isticmaalay ayaa waxa ay ku soo beegan tahay xili uu Gobolka Togdheer ku sugan yahay wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Cadaaladu oo la sheegay in uu u socdo wax ka qabashada arrimaha cadaaladda ee Gobolkaas.

Badhasaabka gobolka Togdheer Yaasiin Maxamed Cabdi iyo ku xigeenkiisa Cabdi Daahir-Laliye ayaa mudadii ay xilka gobolkaasi hayeen cabudhin iyo hanjabaad ku hayay saxaafadda madaxabanaan ee  ka hawlgasha gobolka Togdheer .

Somalilandpost.net

yaasiin_29@rocketmail.com

Berbera, Somaliland