Wariyihii Caanka ahaa ee Axmed Xasan Cawke oo Goordhawayd ku Geeriyooday Jigjiga

Jigjiga(SLpost)- Allaah ha u naxariistee waxa saaka goor dhaweyd magaalo madaxda dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga Ku geeriyooday Marxuum Axmed Xasan Cawke oo ka mid ahaa foolaadka iyo rugcaddaayadii Suxufiyiinta Soomaalida. Wararkan waxa noo xaqiijiyey ehelada marxuumka AHN.

Marxuumka oo hada maydkiisa loo soo wado dhinaca Somaliland ayaa waxa lagu soo waramayaa in uu u dhintay wadnaha oo istaagay.

Tifaftiraha Wargeyska Geeska Afrika Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo) oo qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebookga ayaa u xaqiijiyay Sagalnews geerida Marxuumka, waxaanu xusay in uu guud ahaanba shacabka soomaaliyeed iyo eheladii uu ka baxay marxuumku ka tacsiyadaynayo.

Rabbi haw u naxariistee Marxuum Axmed Xasan Cawke waxa uu muddo ka badan 40 sano ku soo dhex jiray warbaahinta caalamig ah,waxaanu ka mid ahaa dadka loogu jecel yahay dhinaca suxufinimada.

Axmed Xasan Cawke wuxuu ku biiray Radio Muqdisho 1972 isagoo aad ugu soo caanbaxay wararka iyo gaar ahaan tebinta ciyaaraha iyo madadaalada.

Wuxuu ka soo shaqeeyay Telifishankii Soomaaliya , kadibna wuxuu noqday Afhayeenkii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ilaa burburkii somaliya.

Cawke wuxuu ku biiray laanta Afka soomaliga ee idaacadda BBC 1996 . wuxuu kaloo ka soo shaqeeyay laanta Afka Soomaaliga ee HCTV , VOA , Telifishanka Universal , iyo Telifishnka Somaliland National TV.

 

Dhammaan Warbaahinta somalilandpost.net waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, ehelkii, asxaabtii, dhammaan qaranka Somaliland iyo ummadda soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Wariye Axmed Xasan Cawke.