Wariye MAAZIM oo sharraxaad ka bixiyey ujeeddada Socdaal uu ku tagay Dalka Turkiga oo Warbaahinta Cunsuriyadda ku Dhisani Ku Sheegeen inuu Tahriibay

Istanbul (SLpost) – Wariye Maasim M Cawaale oo todobaadkii hore dalka Turkiga ugu baxay Waxbarasho heer Jaamacadeed ah, balse warbaahinta qaarkeed Marin-habaabiyeen safarkiisa, ayaa ka beeniyey warar sheegaya inuu dalkaas ku tagay sifo sharci darro ah Wariye Maasim oo ka hawl-galayey telefishanka Qaranka Somaliland, ayaa warbaahinta qaarkeed qoreen inuu u tahriibay dalkaasi Turkiga markii uu caddaalad darro kala kulmay maamulka Telefishanka, halka qaarkood ay baahiyeen in Wasiirka Ganacsiga Iyo Maalgashiga Caalamiga ah Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar uu Wariyaha u iibiyey Fiisaha uu dalkaas ku galay. Wariye laga Marin habaabiyey ujeeddada socdaal uu ku tagay Turkey oo tafaasiil ka bixiyey sababta uu Dalkaas u tagay.

maasim2

Hoos ka daawo


Somalilandpost.net
Istunbul