Wargeysyada ka soo Baxa Hargeysa oo Ka Maquurtay Daabacadda Warkii Furitaanka Dib-u-Dhiska Madaarka Hargeysa iyo Asbaabaha loo Aanaynayo Arrintan

latest SL newsHargeysa  (SLpost)- Jariiradaha Madaxa-bannaan ee ka soo baxa magaalada Hargeysa, ayaa gebi ahaan ka muquurtay daabacadda warkii furitaanka dib-u-dhiska iyo casriyeynta lagu sameeyey madaarka Caalamiga ah ee magaalada Hargeysa, ka dib markii wasaaradda Duulista Hawada Somaliland iska hortaagtay inay ka qayb-qaataan tebinta munaasibad madaxweyne Siilaanyo Xadhigga ka jaray.

Wargeysyada ka soo baxa caasimadda Hargeysa oo tiradoodu gaadhayso ilaa dhowr iyo toban jariiradood oo maanta oo Axad ah intooda badani soo baxeen, ayaan haba-yaratee wax war ah ka qorin isla markaana aan daabacin warkii furitaanka madaarka Egal International Airport ee Caasimadda, ka dib markii amar ka soo baxay Wasiirka Duulista Hawada shalay lagaga horjoogsaday wariyeyaashii ka socday jariiradaha iyo Website-yada inay gudaha u galaan Madaarka Hargeysa oo gudihiisa lagu qabtay munaasibad ballaadhan oo madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo xadhigga ka jaray dib-u-casriyeyn iyo dib u dhis labadii sanno ee u dambaysay ku socotay dhabbaha diyaaradaha iyo dhismeyaal lagu kordhiyey qaybaha kala duwan ee madaarka.

Arrintan ayaa ka dambaysay ka dib markii Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi uu si badheedh ah u kala xushay warbaahinta madaxa-bannaan ee ka hawl-gasha caasimadda, isaga oo si gaar ah u casuumay Afar ka mid ah telefishannada oo muuqaal-tebiyaha afka dawladda ku hadlaa ka mid yahay. Waxaanay wargeysyadu tallaabadan u qaadeen iyaga oo difaacayay xuquuqdooda warbaahineed isla markaana ay ka biyo-diidsan yihiin kala-xulashada saxaafadda oo muddooyinkii u dambeeyey ay caadaysteen masuuliyiin xukuumada ka tirsani.

 Tallaabadani oo ka shidaal-qaadanaysa wada-shaqayn la’an ugub ah oo u bilaaban tahay xukuumadda iyo warbaahinta ugu miisaanka culus saxaafadda Maxalliga ah, isla markaana muujinaysa nidaam-xumada iyo baratakool la’aanta hay’adaha dawladda Qaarkood kula macaamilaan warbaahinta, ayaa weji cusub u furaysa xidhiidh xumo dhex marta Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo saxaafaddii uu dhaadhan jiray xilligii uu mucaaradka, waxaanay ka mid tahay astaamaha iyo nidaam-xumada ka soo if-baxday hay’adaha dawladda xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo qaarkood.

Masuul sare oo ka tirsan wasaaradda Duulista Hawada oo wariye ka tirsan Shabakadda Somalilandpost la xidhiidhay si uu wax uga weydiiyo sababta aanay munaasibaddaas ugu casuumin warbaahinta kala sida Jariiradaha iyo Website-yada, ayaa sheegay in Wasiirka Duulista Hawadu u qorsheeyey munaasibadda inay ka qayb-qaataan oo kaliya, warkiisana ay tabiyaan kaliya Afar telefishannada ka mid ah oo wasiirku heshiis la galay.

Ujeeddada ka dambaysay tallaabada wasiirka Duulista Hawadu kaga horjoogsaday Wargysyada inay ka qayb-qaataan tebinta warka furitaanka madaarka, ayaa u muuqata inuu wasiir Maxamuud Xaashi qarinayey xaqiiqada dhabta ah ee ah inaan si la rabay dhismaha madaarka loogu fulin lacag Malaayiin Dollar ah oo Dawladda Kuweyt ugu deeqday Casriyeynta Madaarrada Somaliland.

Maaha Markii u horreysay ee Wargeysyada dalka ka soo baxaa ku tallaabsadaan go’aan ay mar kaliya ku qaaddacaan tebinta dhacdo ka mid ah war-tebinta ay u heellan yihiin, waxaanay sidan oo kale dhacday wakhtigii xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale, wakhtigaas oo dhacdo noocan kale lagu kala faquuqay saxaafadda dalka, arrintaas oo xukuumaddii Daahir Rayaale ka baqatay xidhiidh-xumo dhexmarta isaga iyo Xukuumaddiisii.

Si kasta ha ahaatee, waa tallaabo hor leh oo iftiiminaysa fadeexadaha musuq-maasuq ee hay’adaha Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo warbaahinta kaga indho-saabayso inay u gudbiso shacabka xaqiiqooyinka ka jirta xayn-daabka maamul ee Xukuumadda Xisbiga Kulmiye, waana tallaabo horseeday xidhiidh-xumo ugub ah oo u bilaabanta Warbaahinta ugu miisaanka culus dalka (Wargeysyada) iyo Xukuumadda.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net