Wargeyska Indian Ocean Oo Warbixin Ka Qoray Sababaha Keenay In Midowga Yurub Xidho Xafiiskooda Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa

Hargeysa(SLpost)-Wargeyska Indian Ocean ee bishiiba laba goor ka soo baxa wadanka Faransiiska, ayaa cadadkiisii 28 August soo baxay wuxuu kaga hadlay xidhitaanka xafiiska Midowga Yurub ee caasimadda Somaliland iyo sababaha keenay.

Indian Ocean Newsletter, cadadkiisan u dambeeyay ee toddobaadkan soo baxay, wuxuu ku sheegay in shaqaalaha kala duwan ee xafiiska Midowga Yurub ee Hargeysa badhtamihii bishii August lagu wargeliyay inaan la cusboonaysiin doonin heshiisyadooda marka la gaadho bisha December ee sannadkan. Wargeysku wuxuu sheegay in hawlaha Somaliland uu Midowga Yurub  doonayo inuu ka fuliyo magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya, taas darteedna waxa uu wargeysku xusay heshiis ay bishii May kala saxeexdeen Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ergayga Midowga Yurub ee Somaliland iyo Somaliyia Danjire Michele Cervone D’urso. Wargeysku wuxuu sheegay in talaabooyinkan ay Midowga Yurub qaadeen sabab u yihiin  isku dhacyo dhawr ah oo dhex maray Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo ergayga Midowga Yurub. Warbixintu waxay xustay inaanu marka koowaad  Madaxweyne Siilaanyo dulqaad u yeelan farogelintii ay Midowga Yurub isku dayeen inay ku sameeyeen dib u dhigistii doorashada lagu sameeyay.

Madaxweyne  Siilaanyo ayaa markaas ka dib warqad tabasho ah u diray madaxweyne-xigeenka midowga Yurub Federica Mogehrini oo uu ka dalbaday inay la hadasho oo ay dejiso wakiilkooda Danjire Michele Cervone D’urso.

Qodob saddexaad oo isna sii xumeeyay xidhiidhka Midowga Yurub iyo Madaxweyne Siilaanyo, ayuu wargeysku ku sheegay inay tahay damaca ay xukuumadda Somaliland ku doonayso inay maamulka dekedda Berbera ku wareejiso shirkadda Imaraadka Carabta laga leeyahay ee DP World, halka uu Midowga urub oo ah hay’adii u horaysay ee  caawisa jidka Berbera Corridor ee Somaliland ku xidhaya Addis Ababa  ay xiisaynayso in maamulka dekedda lagu wareejiyo shirkadda Faransiiska laga leeyahay ee Bolore.