Wargeyska Indian Ocean oo Warbixin Ka qoray Loolanka Musharaxnimada ee Kulmiye

 

Hargeysa(SLpost)- Wargeyska Indian Ocean ayaa cadadkiisa shalay warbixin ka qoray loolanka Kulmiye gaar ahaana, tartanka Muuse Biixi iyo Maxamed Biixi Yoonis oo uu wargeysku xusay in loolankaa arinka dabka ku sii hurisay ay tahay tanaasulka madaxweynaha qaranka oo hada da’ ah. Sidoo waxa wargeysku sheegay in Muuse Biixi haysto kalsoonida Madaxweyne Siilaanyo iyo marwadiisa Aamina Weris, taasina u suuro galin karto musharaxnimada Kulmiye.

 

“ 26 September wuxuu madaxweyne Siilaanyo la kulmay odayaasha beeshiisa Habarjeclo, waxaanu waydiistay inay ku daba faylaan Muuse Biixi. Wuxuu sidoo kale tirsanayaa codadka Gadabuursi iyo hogaamiyahooda, ahna madaxweyne xigeenka Cabdiraxmaan Saylici,” ayuu wargeyskuku yidhi warbixintiisa.

 

Wargeysku wuxuu sheegay in Muuse Biixi oo musharaxa Kulmiye noqdaa keenayso in siyaasiyiin miisaan lihi mucaarad ku noqdaan xisbiga una wareegaan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI. “Haseyeeshee haddii Muuse Biixi noqdo musharaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye,siyaasiyiin culus ayaan ka gaban doonin inay u wareegaan xisbiga mucaaradkaah ee Waddani,”ayuu wargeysku ku daray xogtiisa.

 

Garabka guddoomiye Muuse Biixi ayaa si weyn looga dareemayaa Hargeysa tabaabushihiisa ku aadan xodxodashada ergooyinka oo hab beelaysan loola shirayo, halka Maxamed Biixi ku mashquulsan yahay  safarka madaxweyne Siilaanyo Ingiriiska ku joogo.

 

Waxa jira musharixiin kale oo xisbiga Kulmiye ka dhex sharaxan balse wargeysku muu xusin, waxaannu ku sheegay in loolanka labadan nin uu yahay ka ugu saamaynta badan leh.

 

Shirka Kulmiye ee loo qoondeeyay bisha dambe ayaa haddii uu qabsoomo noqon doona mid go’aamiya cidda Kulmiye uga qayb galaysa tartanka doorashada sanadka 2017-ka, iyadoo Wargeyska Indian Ocean iftiimiyay in madaxweyne Siilaanyo oo haatan da’diisu ku siman tahay 80 jir aanu musharax ka ahayn Kulmiye.