Wargeyska HAATUF oo Afar Sanno kaddib Xayiraadda laga Qaaday iyo Xog-warranka Guddoomiye Yuusuf Cabdi Gaboobe

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ayaa xayiraadda ka qaadday Wargeyska Haatuf oo muddo Afar sanno ah u xayirnaa Xukun isla Maxkamaddani ku ridday bishii April ee sannadkii 2014-kii kaddib markii masuuliyiin ka tirsan xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo ku soo oogeen dacwad ka dhan warar uu wargeysku baahiyey.

Guddoomiyaha Haatuf Media Group Yuusuf Cabdi Gaboobe oo saxaafadda qaarkeed maanta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in maxkamadda gobolku xayiraadda ka qaadday Wargeyska Haatuf, balse ay wali xayiraaddu saaran tahay Wargeyska Somaliland Times oo Luuqadda Afka Ingiriisiga ku soo baxa.

Muuqaalkan Hoose Ka daawo Faahaahinta Warkan