Madaxweynaha Somaliland oo yididiilo fiican ka muujiyey sii amba-qaadista Wada-hadallada Somalia

IMG_0414Ankara (SLpost)- Madaxweye Axmed M. Maxamuud (Siilanyo) ayaa sheegay in wada-xaajoodkii uu la yeeshay Raysal wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ku saabsanaayeen xidhiidhka taariikhiga ee u dhexeeyey Turkiga iyo Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilanyo oo wargeyska Today Zeman ee ka soo baxa Turkiga wareysi la yeeshay, ayaa sheegay inuu ka codsaday xukuumada Turkiga, ganacsatada iyo guud ahaan bulshdeeda inay yimaadaan oo maalgashadaan Somaliland.

Sida lagu baahiyey barta internetka ee wargeyska Today Zeman, Madaxweyne Siilanyo waxa uu caddeeyey cadeeyey in wada xaajoodkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya ka dhici doono dalka Turkiga badhtamada bisha November.

Madaxweyne Siilanyo ayaa yididiilo fiican ka muujiyey in wada xaajoodka u dhexeeya Soomaaliya ee ka dhici doona 8-10 bisha November magaalada Ankara.

Dhinaca kale, wasiirka Arrimaha Dibedda oo ku wehelinayey wareysiga Today Zeman la yeelatay Madaxweyne Siilanyo ayaa sheegay in raysal wasaaraha Turkigu u ballanqaaday inuu booqasho ku yimaado Somaliland marka uu dhamaado dib-u-dhiska madaarka Hargeysa.

 Wasiirka Arrimaha Dibedda, Maxamed biixi ayaa sheegay in raysal-wasaare xigeenka Turkiga, Bekir Bozdağ, iyo wefdi uu hogaaminayo oo maalgashadeyaal iyo ganacsato ah booqasho ku iman doonaan Somaliland bisha November, si loo xoojiyo xidhiidhka ay Somaliland wadaagaan.

Mr. Biixi ayaa raaciyey in raysal wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ballanqaaday inuu booqasho ku yimaado Somaliland marka dib-u-dhiska garoonka caasimada Hargeysa uu dhamaado.

Mar uu ka hadlayey dhinacyada ay Somaliland iyo Turkigu iska kaashan karaan ayuu sheegay Mr. Biixi, inay ka wada hadleen saraakiisha Turkiga iskaashi ay ka yeeshaan dhinacyada shidaalka, dhismaha, biyaha, tamarta, macdanta, kaluumaysiga iyo caafimaadka

 Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa u sheegay wargeyska Today Zeman in xukuumada Turkigu xafiis ka furan doonto Somaliland, isagoo sheegay in Raysal wasaare  Erdoğan xilligan ka fekerayo siduu xafiis Qunsuliyad ah uga furan lahaa Somaliland, tafaasiisha xafiiskaana laga wada xaajoon doono xilliga booqashada raysal wasaare xigeenka dalkaasi Turkiga Bozdağ’ uu ku iman doono Somaliland bisha November ee sannadkan.

SOMALILANDPOST.NET