Wargelin ku socota xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE

Xisbiga KULMIYE wuxuu ku war-gelinayaa dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE in shirweynihii Golaha dhexe ee xisbigu qabsoomi doono 14-ka Bishan.

Sidaasi darteed, waxa Xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE lagu war-gelinayaa inay xarunta Xisbiga yimaadaan ugu dambayn 10-ka Bishan.

Sidaasi awgeed, waxa lagu war-gelinayaa dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba inay yimaadaan xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE maalinta Salaasadda ee 10/04/2012-ka.

ALLAA MAHAD LEH

Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE
Xasan Siciid Yuusuf