Wargelin ku Socota Xubnaha Golaha Dhexe ee Kulmiye

 

 

Diyaargarawga shirka golaha dhexe ee 10ka bisha innagu soo foolka leh Hargeysa ka qabsoomi doona ayaa dhawaanahanba ka socday xafiiska dhexe ee xisbiga. Gudida farsamada ee shirka ahna hogaanka xusbiga ayaa wargelin u diraya dhammaan xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.

Warqaadda wargelinta ah oo nuqul ka mid ahi Somalilandpost soo gaadhay kuna sexeexan xoghayaha guud ee xisbiga Xasan Siciid Yuusuf ayaa u dhignaa sidan:

 

Ku: Dhammaan Xubnaha Golaha Dhexe ee

Ujeedo: Wargelin

Dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ee Gobollada iyo degmooyinka dalka oo dhan, waxa si qadarin leh loogu wargelinayaa in waqtiga samaynta kaadhadhka aqoonsiga iyo qaadista sawirrada kal-fadhiga 5aad ee Golaha Dhexe gabogabo ku dhawdahay oo ay ka hadhsan tahay muddo seddex casho ah oo ka bilaabmaya maalinta Axadda ee taariikhdu tahay 25/10/2015.

Sidaasi darteed, waxa mar labaad laydinku wargelinayaa inaad waqtiga dhawrtaan.

ALLA               MAHAD     LEH

Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE

Xasan Siciid Yuusuf