Wareejinta haamaha shidaalku waa sharci daro  iyo  boob qaawan

Afeef: aniga oo raba inaan maanta ka hadalo xaalada kacsan ee gobalka saaxil iyo wareejinta haamaha waxaana ka afeefaynayaa inaan maqaalkaygu aanu ahayn mid aan ugu talo galay kicinta dadweynaha balse iga yahay tilmaamta xukumada ama toosinta hay’adaha ku shaqada leh wareejinta ama kiraynta haamaha shidaalka berbera inay wareejinta haamaha ku saleeyan hab sharciga waafaqsan kana fogaadana waxa sharciga khilaafsan ,

Dawlada kasta waxay dawlada ku tahay nimaadka sharci ee u yaala dalka hab ay ku dhaqanto mar hadii sharciga ilayska laabo dawladnimadu kama soo hadho hadii ku dhaqanka sharcigu meesha ka baxo dawaldimadu faraha ayey ka baxday ,wasiir wuxuu wasiir ku yahay waa sharciga ilayn hadii kala waa labo nin oo siman ,askarigu wuxuu askari ku tahay ee u sharciga sida u fuliyo hadii u jabiyo askari ma ahaanayo hadaba hadii dawladinmadu sharciga lagu dhaqani nin na nin kama xoog badan ninkasta wuu heli karta qori rasaas ka dhacdo

Wareejinta ama kiraynta haamaha shidaalka berbera hadii loo baahado in la kirayo ama shaqsiyada ganacsato ah lagu wareejiyo marka hore way inay jiro tartaran xor iyo xalaal oo ay qabto gudida qandarasyada qaranku oo ay tilmaamta kuna xayeysiis  dhamaan hay’adaha warbaahinta lana baahiyaa ina tartaranku furan yahay waxa lagu tartaramayo la cadayee hadii kale wuxuu noqonayaa waxa la jecelaaday dad gaara ah taasina waxa ka hor imanaysaa sharciga u yaal dalkeena hooyo ee Somaliland guntii iyo gabgabadii waxaana u soo jeedin lahaa xukumada u hormood u yahay mijaahida axmed siilaanyo inay dib isku noqoto oo ay ka noqoto habka sharciga baal marisan ee ay u wareejisay haamaha shidaalka berbera

Qalinkii : Eng saleban siciid cumar

Email:       ducale330@gmail.com

Telephone: 0634042146