Warbixinta Muwaaddin Sannad iyo Sagaal Bilood Xukun La’aan Ugu Xidhan C.I.Dda Hargeysa

siciidMukhtaar Sheekh Xuseen Cali waa nin reer Somaliland ah kana soo jeeda Sanaag/Ceel-afweyn, hayb ahaanna waa nin Habar Yoonis/Sacad Yoonis ah. Waxa uu sannad iyo sagaal bilood xukun la’aan ugu xidhan yahay Xarunta Dembi-baadhista Hargeysa. Muddo toban sanno ah ayuu u shaqaynayay Shirkadda Alxarbi, markii dambena waxa uu muran ka dhashay heshiis la wada galay oo ahaa saami uu ku dooday in laga siiyay macaashka shirkadda. Ganacsade Axmed Faarax Xarbi ayaa gurigiisa ka soo xidhay.

1.Wax maxkamad ah lama geeyo, kiiskiisana weli qaraar kama soo saarin Maxkamadda Gobolka Maroodijeex.

2.Kolba dembi-baadhe cusub ayaa kiiskiisa lagu qoraa, isaguna inta uu mulaaqo ayaa laga beddelaa.

3.Ergo dhaqan oo ay hoggaaminayeen Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadaw iyo Suldaan Maxamed Suldaan Xirsiqani, iyaguna wax xal ah kama ay gaadhin arrinka la isku hayo

4.Shirkadda Alxarbi ma oggola in lagu kala baxo marag iyo millad, iimana muuqato cid Maxamediya iyo Macatabiya ah oo ku qancin karta in si uun lagu kala baxo.

5.Haddii dammaanad lagu sii deyn lahaa waxa uu amar ka imanayaa Qasriga dalka looga arrmiyo.

Waxa gudaha la dhigay 1dii Sebtember 2015ka illaa haddana waa uu xidhan yahay. Sannad-guuradii xadhiggiisa oo ahayd 1dii Sebtember 2016ka ayaanu kula dabbaal-degnay Xarunta La-dagaallanka Arggagixisada (Center For Terrorism Unit) ee C.I.Dda Hargeysa. Munaasibaddaasna waxa uu noogu sameeyay martiqaad weyn.

Weli sidii ayuu u xidhan yahay. 1. Xukun maxkamadeed 2. Ergo dhaqan iyo 3. Diin Islaam midna laguma furdaamin kiiskiisa.

Xabsiyadii Somaliland waxa ay noqdeen bakhaarro ay hantiileyaashu ku daabulaan maatida. Ninkaas shilinka haya ayuun baa loo adeegayaa. Mar kasta oo aan xasuusto gabboodfalka ku dhacayna, waxa aan dareemaa caloolyow iyo murugo.

Marka ay saaxiibbo noocaas ahi weli ku jiraan xeradii Eebbe naga soo saaray, miyaa ay naftu illaawaysaa dulmigii ay deristay ee dad la mid ah oo uga horreeyay xabsiga weli duudka u sudhan?

Waxa aan haayadaha Garsoorka ugu baaqayaa in ay dabagal ku sameeyaan waxa keenay in loo maaro kiiska Mukhtaar Sheekh Xuseen Cali.

Siciid Maxamuud Gahayr

siciidgahayr@gmail.com