Warbixin Xaasaasi ah oo Fashilisay Fadeexado la xidhiidha Qaabka loo Maamulay Hub Mucaawimo ah oo Dawladda Xasan Sheekh Ku Hubaysay Qabaa’illada Soomaaliya Qaarkood

xasan sheekh maxamuudNew York (SLpost)-  Warbixin ay soo saareen guddiga Qaramada Midoobay ee cuna-qabataynta Hubka Somaliya iyo Eretariya, ayaa shaaca ka qaadday fedeexado hor leh oo dawladda Somaliya ka soo gaadhay Hub dhowaan lagu caawiyey dalkaas, isla markaana lo adeegsaday sifo sharci-darro ah.

Waxa Warbixintan lagu sheegay in dawladda Somalia ay si toos ah loo lunsaday hub ay dawladaha Jabuuti, Masar iyo Turkiga ugu deeqeen dalkaasi, waxaanay guddigu warbixintoodan ku sheegeen in hubkaasi gacanta u galay beelo kamid ah beelaha Somalia, halka qayb kalena ay gacanta u gashay kooxda  Alshabaab.

Hubka la siiyey dawladda Federaalka ah ee Somaliya ayaa ku yimi ka dib markii sannadkii hore ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midooday hoos u dhigay cuna-qabatayntii dhinaca hubka ee saarnayd Soomaaliya.

Warbixintan oo ka kooban shan iyo toban bog, ayaa lagu sheegay in hubka la leexdsaday gacanta u galay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha kooxda Al-Shabaab ee ka degaalanta dalkaasi Somaliya, halka sidoo kale qaybo fara-badan oo ka mid ah hubkaas gacanta loo geliyey jufooyinka ay ka soo jeedaan hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya dawladdaasi Soomaaliya.

Sida ay baahisay Wakaaladda wararka Reuters oo warbixinta soo xiganaysa, guddiga Kormeerka Hubka ee Somaliya iyo Ereteria, waxa ay ku taliyeen in Qaramada Midoobay dib u soo celiso cuna-qabatayntii dhammayska tirneyd ee dhinaca hubka ama ugu yaraan in la xoojiyo ka-warhaynta iyo warbixinaha la xidhiidha hubka ay la soo degto ama lagu caawiyo dawladda Soomaalya.

“Guddiga Kormeerku waxay ka warheleen qodobbo dhowr ah oo la xidhiidha habka loo maamulay hubka iyo rasaasta lagu caawiyey Dawladda Federaalka ah ee Soomaalya, kuwaas oo sheegaya gabbood-falo iyo musuq-maasuq ka jira habka loo maamulay qaybinta hubka,” sidaas waxa lagu sheegay warbixinta guddiga Kormeerka Hubka Somaliya iyo Eretariya.

Go’aanka Golaha Ammaanka ee 15-ka waddan ka kooban cuna-qabataynta hubka kaga qaaday Somaliya bishii March ee sannadkii hore, ayaa ahaa mid si weyn loogu kala qaybsamaday, in kasta oo dawladda Maraykanku ay taageertay codsi Dawladda Somaliya ku dalbatay in loo fududeeyo xoojinta ciidamada ammaanka iyo dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cuna-qabataynta Hubka ku soo rogay dalkaasi Soomaalya sannadkii 1992-kii, si loo yareeyo qul-qulka hubka gacanta u galayey hoggaamiye-kooxeedyadii ku hirdamayey dalkaasi.

Guddigu waxa ay warbixintooda ku xuseen caqabado ka soo waajahay helitaanka ogolaanshiyo ay ku dalbadeen inay baadhitaanno ku sameeyaan bakhaarrada hubka ee dawladda Somaliya iyo macluumaad la xidhiidha tirada hubka sii kordhaysa ee dalkaas lagu caawiyey. Waxa ay warbixintu sheegay in dawladda Somaliya ay hor-istaagtay tiraba dhowr jeer oo Guddiga Kormeerka iyo saraakiil Qaramada Midoobay u qorshaysnaa inay ku tagaan Somaliya si kormeer loogu sameeyo hubka lagu caawiyey Somaliya.

Waxa warbixinta lagu xusay inaan la garanayn meel ay mareen iyo sida loo maamulay Noocyada kala duwan ee hubka oo isugu jira Qoryaha yar-yar, Baasukayaal, madaafiic iyo rasaas kala duwan oo dawlada Jabuuti iyo Yugaandha ku caawiyeen Dawladda Federaalka ah.

“Macluumaadka laga helayo oo aad u kooban awgeed, suurta-gal maaha in tiro lagu sheego xaddiga la leexsaday iyo hubka caawimada ah ee la gaadhsiiyey Somaliya,” ayaa warbixinta lagu sheegay.

“Si kastaba ha ahaatee, Guddiga Kormeerku waxa ay heshay caddaymo lagu kalsoon yahay oo tilmaamaya gabbood-falo ay geysteen ciidamada Soomaaliya.”

Guddiga Kormeerku waxa ay daboolka ka qaadeen fadeexado ka dhan ah meelaha loo leexsaday hubka lagu caawiyey Somaliya, kuwaas oo ay xuddun u yihiin laba ka mid ah Qabaa’ilka Somaliya oo si weyn ugu dhex-milyay qaab-dhismeedka dawladnimada Soomaliya, iyada oo hubka loo qaybiyey malleeshiyaad iyo ciidan-beeleedyo aan ka tirsan dawladda Somaliya.

Mid ka mdi ah labada kooxood ee guddigu u sibir-saareen afduubka lagu leexsaday hubka Soomaaliya, ayaa ka tirsan Qabiilka Abgaal, gaar ahaan jufada hoose ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bishii hore sheegay inuu ka dalbanayo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sidoo loogu kordhin lahaa xilliga loo asteeyey inay ku ekaato cuqabaaynta hubka ee laga qaaday oo waktigeedu dhacayo bisha soo socota ee sannadkan, isaga oo taaas ku sababeeyey in ciidamada dalkiisu weli u baahan yihiin hub ay kula dagaalamaan kooxda Al-Shabaab.

“Hubka la leexsaday waxa qayb-weyn ka qaatay nin Taliye u ah Madaxweynaha, kana soo jeeda qabiilka Abgaal, kaas oo ku lug lahaa hub loo geeyey Sheekh Yuusuf Ciise oo ka tirsan hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab, isla markaana ah nin ka soo jeeda Abgaal, ayaa lagu sheegay warbixinta.

Madaxweynaha Somaliya ayaa bishii hore ee sannadkan sheega in dawladdiisa ay buuxisay shuruudihii lagu xidhay cuno-qabataynta hubka ee laga fududeeyey. “Waxaanu ku dhaqmaynay shuruudihii Golaha Ammaanka iyo Guddigu noo jideeyeen, si loo kormeero hubka,” ayuu yidhi madaxweynaha Somalia.

Warbixinta Guddiga Kormeerka hubka Somaliya waxa kale oo lagu xusay doorka uu ka qaatay leexsashada hubka Wasiirka ka tirsan Dawladda Somaliya oo ka soo jeeda qabiilka Habar-gidir, kaas oo lagu xidhiidhay inuu hub ka soo iibiyey waddan ku yaala Gacanta Carbeed, kaas oo aan magaciisa lagu xusin warbixinta.

“Guddiga Kormeerku waxay heshay caddaymo macquul ah oo sheegaya saanad-milatari oo waddanka ku yaala Gacanka Carbeed dhinac cirka u soo mariyey dawladda Somaliya, waxaana laga dejiyey magaalada Muqdisho bishii October 2013, kaas oo si toos ah uga horimanaya cuna-qabatayn hubka,” ayuu yidhi lagu warbixinta oo intaas ku dartay, “Markii uu gaadhay, qaybo ka mid ah hubka waxa loo raray goobo aan la aqoonsan oo ku yaala Muqdisho.”

Go’aanka Qaramada Midoobay cunaqabataynta hubka kaga fududaysan Soomaaliya, ayaa ku koobnaa oo kaliya Qoryaha yar-yar, Baasuukayaaasha, balse waxa uu meesha ka saarayey hubka lidka diyaaradaha iyo dhammaan wixii intaas ka hadha ee la xidhiidha hubka noocyadiisa kala duwan.

Waxa lagu sheegay warbixinta Guddiga kormeerka Somaliya in dhammaan shuruudihii looga baahnaa dawladda Somaliya ee la xidhiidha cunaqaybataynta hubka ee laga fududeeyey Somaliya ay afduub ugu jiraan loollaanada siyaasaddeed ee qabaa’ilka Soomaaliya.

Waxa dhawaan magaalada Muqdisho socdaal ku tagay madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya Cabdiweli Gaas oo halkaas kaga qayb-galay galay aaska raysal-wasaarihii horreeyey dalkaasi Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ku geeriyooday dalka Maraykanka.

Haseyeeshee, marka laga yimaaddo marka laga yimaaddo ka-qaybgalkiisa jinaasadda marxuumka, hadana waxa aan la dhayalsan karin qorshaha uu la xidhiidho sodaalkiisa oo wararka ka soo baxay ku xidhiidhiyeen inuu halkaas u tagay arrimo la xidhiidho inuu weydiisto madaxda Soomaaliya taageero milatari iyo hubka lagu caawiyey Somaliya qaybtiisa la siiyo, maadaama uu wax badan ka ogaa  taageeroyinka hubka ee la siiyey dawladda Somaliya, marka la eego xil reysalwasaaraha ee uu ka soo qaybtay dawladda Somaliya.

Cabdiweli Gaas oo dhowaan loo cumaamaday xilka madaxweyne ee maamul-goboleedka Puntland ka dib doorasho uu kaga guulaystay madaxweynihii hore Cabdiraxmaan Faroole iyo murashaxiin kale, ayaa wakhtigii uu ololaha ku jiray shacabka maamulkaas u ballanqaaday in maamulkiisa la wareegi doono gacan ku haynta gobollada Sool iyo Sanaag ee Somaliland oo maamul-goboleedkaasi lahaanshihooda ku sheegtaan inay shacbka ku nool isir-wadaag yihiin.