Warbixin Somaliland ka saartay Liiska dalalka Dhalinyaradoodu u tahriibto Qaaradda Yurub iyo Sababta ka dambaysa

NEW YORK (SLpost)- Hay’adda Xuquuqal Iinsaanka ee Human Rights Watch (HRW) oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka, ayaa warbixin ka diyaarisay Liiska Waddamada Qaaradda Afrika iyo Eeshiya ee dhalinyaradoodu u tahriibaamn dalalka Qaaradda Yurub.

Warbixintan oo Qaab Shax u samaysan loo soo bandhigay, ayaa laga diyaariyey Waraysi hay’adda HRW la yeelatay dhalinyaro tiro badan oo Soomaali ku jirto, kuwaas oo Wakiillo hay’adda ka socdaa kula kulmeen waddamada Talyaaniga iyo Giriigga oo ah labada Kedin ee tahriibayaashu ka galaan dalalka Qaaradda Yurub.

Human rights watchShaxda lagu muujiyey warbixintan, ayaa soo bandhigtay isla markaana Somaliland ku dartay Liiska waddamada Adduunka ee aanay dhalinyardoodu tahriibin, arrintaas oo ah mid xaqiiqada ka fog isla markaana aan run laga sheegin, iyadoo Somaliland ka mid tahay meelaha ugu badan ee dhalinyaradoodu ka tahriibaan, balse sababta dhabta ah ee warbixinti sidan ugu soo bandhigtay ayaa ah iyadoo Tahriibayaasha Somaliland ka tagaa ay sheegtaan inay u dhasheen isla markaana ka yimaaddeen dalka Soomaaliya.

Sida shaxda ka muuqata, Waddamada ay warbixintu xustay inaanay dhalinyaradoodu u tahriibin qaaradda Yurub, waxa ka mid ah Somaliland, dalalka Khaliijka Carabta, Israa’iil iyo Ciraaq.

Sidoo kale, sida ma muuqata khariiradda lagu soo bandhigay warbixinta, waddamada ayaa loo qaybiyey Afar Qaybood oo kala ah Dalalka ay Tahriibiyaashu ka yimaaddeen, dalalka ay sii dhex-maraan, waddamada ay uga gudbaan Qaaradda Yurub iyo dalalka ay u tahriibaan oo ah marinnada ay ka galaan waddamada Midowga Yurub.

Human rights watch

HALKAN HOOSE GUJI SI AAD UGA BOGATO WARAYSIYADA LALA YEESHAY DADKA, ADIGOO GUJINAYA FALLAADH KASTA DALKA AY TILMAAMAYSO.

SOURCE: HRW