Warbixin Caalami Ah Oo Lagu Shaaciyey 20 Waddan Oo Madaxbanaani Iyo Aqoonsi Raadis Ah Iyo Somaliland oo Kaalinta 1aad Gashay

Washington(SLPOST)Warbixin ay diyaarisay Mejalada lagu magacaabo  (National Geographic) oo Xarunteeda ugu weyni ku taalo Caasimadda dalka Mareykanka ee Washington DC,lagana leeyahay isla dalka Maraykanka ayaa soo saartay Warbixin ay ku muujisay dalalka Aan la Ictiraafin ee madaxa banaan oo Somaliland ku 20 dal tahay isla markaana ilaa hada Wada mada aan la Aqoonsan ee Caalamka ka jirta ay ku sheegtay

National Geo

Warbixintan dheer ee uu soo saaray  Wargeyskan Caanka ah ee (National Geographic)  oo ah mid ka hawlgala baadhitaanadda waxyaalaha ku saleysan Taariikhaha wadamada dunida,Geographics-ka Waddamada Caalamka,Waxbarashada iyo arimo badan oo kale oo la xidhiidha qaaraddaha dunida iyo waddamada kala duwan ee dunida ka jira hadii ay yihiin kuwa Wadamadda la aqoonsan yahay iyo kuwa aan wali la aqoonsan ee iskood u taagan,ayaa Warbixintan ay soo saartay Majaladani waxa ay dhalisay   muran badan ka dib markii ay wadamada ay ku sheegtay Majaladdan NGs inay yihiin 20 waddan oo ku jira  Qadka Caraagan  (Gray Erea) kuna dartay Gobolkii dhawaan ruush ku dalkiisa ku daray ee Crimea.

National Geographic oo soo bandhigaayey wadamadda uu Warbixintiisa ku ogaaday inay yihiin kuwa Caalamka ka jira ee qaaraddaha kala duwan ku kala yaala isla markaana qaarkoodna Waddamo hore ay ugu tirsanaan jireen ka go’een halka qaar kalena ay yihiin qaar laba Waddan oo jaar ah ay isku haystaan balse iyagu aan ogoleyn labada wadan ee kala jiidanaaya ee ay Madaxbanaan yihiin iyaga qaarkoodna ah kuwa Jasiiradda ah,oo madaxbanaan waana kuwan hoos ku qoran Wadamada  Mejalada lagu magacaabo  (National Geographic) ay soo bandhigtay inay baadhitaanadeeda ku ogaatay una aqoonsan tahay inay yihiin Waddamadda Ictiraaf raadiska ah ee Koonka ka jira.

1:Somaliland :Waxa 1991 ku dhawaaqay Jabhad Somaliyeed (SNM) inay tahay Somaliland dal madax banaan oo xor ah,isla markaana Caasimadda dalku waa Hargeysa mana aha dal la ilaa hada Aqoonsi Caalami ah haysta”

2: Taiwan waa gobol Madaxbanaan oo iskii u taagan,haseyeeshe dalka Shiinaha (China Government) ayaa u aragta inay Taiwan tahay gobolka 23aad ee dal weynaha China isla markaana ay laba Hay’addood oo Siyaasiya yihiin China iyo Taiwan.

3:  Kiril Islands waa Gobol madaxbanaani in uu yahay mudo dheer ku doodaayey isla markaana Dalka Jabaan Jasiiraddo badan oo ay ku wayday dagaaladdii Midawgii Sofiyeed ee 1945-kii dhacay ka mid ah Jasiiradahaasi oo ilaa hada uu qaarkood dalka Ruushku maamulo,balse ilaa hada Gobolka Kiril Island waxa sheegta in uu ka mid yahay dalka Jabaan halka ay iyaguna madaxbanaani ku doodaan.

4: Tunb Islands waa Gobol ay korka ka maamusho dawladda IRAN halka ay sido kale sheegato dalka Imaaraadku inay iyaga ka mid tahay.

5:West Bank iyo Gaza Strip (Balastiin) oo ay dawladda Israil qabsatay sanadkii  1967-kii taasi oo heshiisyo badan oo la isku dayey in Israil iyo Falastiin dhex mara si dadka reer Gaza madaxbanaanidooda u helaan, aanay ka suurto gelin dhinaca dawladda Talaabiid ayaa ilaa hada ay in ka badan 3 Milyan oo reer Falastiin ah oo ku dhaqan Qaxootiyo iyo dalalka Jaarka ay ku xidhan tahay wada hadalo kama dambeys iyo heshiis si ay reer Gaza u helaan Xoriyad iyo Madaxbanaanida dalkooda.

6: Western Sahara waxa maamula dalka Marooko oo tan iyo 1979 Dagaal u dhexeeya Marooko iyo dhaqdhaqaaq Western Sahara waxana sanadkii 1991 ay Qaramadda Midoobay u kala saxeexeen heshiis Xabad joojin ah haseyeeshe may jirin wax heshiis ah oo labada dhinac inay kala go’aan ama dal qudha ahaadaan cadaynaya waxana la sheegay in dalka Marooko uu dhisay Darbi dhererkiisu gaadhayo ilaa 1500-KM si uu uga hortago shirqoolo uga yimaada Gobolka Western Sahara.

7:  Dhunko mar Islands tani waa Jasiirad aad u qani ah lagana helo Qadiimaddaha ay ka midka yihiin Kaluumeysi Qani ah iyo noocyo ka mid ah Saliida waxana sheegta Waddomo ay ka mid yihiin Brunei, China, Malaysia, the Phillipines,Vietnam iyo Taiwan oo iyada lafteedu ah gobol Madaxbanaani sheegta,waxana ay iyagu isku  aqoonsan yihiin inay yihiin gobol madaxbanaan balse Caalamku ma aqoonsana gooni isku taageeda.

8: South Ossetia  waa Gobol mudo dheer dagaal socday uu ku dhex maraayey qoomiyahadaha Georgians iyo Ossitia in kasta oo heshiis laga gaadhay dagaalkaasi sanadkii 1991 hadana maaha deegaan Siyaasad dalnimo oo jirta ay ka shaqeyso.

9: Senkaku Shoto waa gobol Madaxbanaani sheegta balse ay inay ka tirsan yihiin wadamo badani ku xisaabtamaan sida Jaban,China iyo maamul goboleedka Taiwan.

10: Paracel Islands waa gobol uu qabsaday dalka Shiinahu (China) sanadkii 1974-kii iyada oo  ku magacawday Xisha Qundao kana  Cabsi qabtay in ay Vietnam ka qaado oo iyaguna sheegta kuna magacaaba Hoang Sa.

11: Kashmir waa Gobol madaxbanaani sheegta balse ay ku maransan yihiin oo midiba dhinaceeda ka eegato wadamada India iyo Bakistaan,waxana ku nool ku dhawaad dad gaadhaya ilaa 10-Milyan oo ruux oo u badan Hindi waxanay Hindiya maamusha in yar oo dhanka Koonfureed ah halka Bakistaana ay maamusho dhinaca Waqooyi ee Kashmiir oo ah inta ugu badan deegaankaasi.

12: Cyprus waa gobol laba dawladdooda isku haystaan oo kala ah Greek iyo Turkiga iyada oo Caalamku u aqoonsan yahay inay Turkiga ka tirsan tahay balse Turkigu uu isagu sheegto inay ka tirsan tahay dal ahaan.

13: Abkhazia waa gobol hore uu xoog ku qabsaday dalka Georgian sanadii 1993 waxase jira Wadda hadalo aan dhamaad lahayn oo labada dhinac ilaa hada u socda.

14: Dokdo waa Gobol Madaxbanaan balse waxa  korka ka maamula Koonfurta Kuuriya.

15: New Moor Island waa madaxbanaani hore ugu dhawaaqay ilaa hadana la ictiraafin waxana midba gaar keeda u sheegtaan Waddanada India  iyo  Bangladesh.

16: Spratly Islands waa Waddan China sheegtu in uu ka tirsan yahay isaguna Aqoonsi raadis ah.

17: The Falklands Islands waa Jasiirad Madaxbanaani ku dhawaaqday waxa imika gacanta ku haya oo korka ka maamula dalka Boqortooyadda Ingiriiska halka ay sheegato in uu ka tirsan tahay Jasiiradaasi Argentina.

18: Transdniestria waa dad isku tegay oo ah qoomiyado laga tiro badan yahay  oo ah Ukrainian and Russian kuna dhawaaqay inay yihiin dal.

19: Crimea oo ka tirsaneyd dalka Ukrain balse hada Ruushka u goosatay ayaa ah gobol hore loogu aqoonsana mid iskii u taagan balse ay dusha ka maamuli jirtay dalka Ukrian.

20: Eastern Russia oo dalka Ruushku sheego inay ka tirsan tahay balse iyagu madaxbanaani sheegtay.

Dhanka kale Kuuriyada Waqooyi ayaa weerar afka ah ku qaaddey Madaxweynaha Koonfuurta Kuuriya Park Geun-hye, iyagoo ugu yeerey inay tahay dabadhilif daacad u ah Mareykanka, isla markaana barbardhigay haweeney ama ku tilmaamey inay tahay haweeney aan ilbax ahayn oo si aan ka fiirsasho lahayn isaga hadasha.

Afhayeen u hadley Wasaaradda Arrimaha Midaynta Kim Eui-do ayaa sheegay in weerarka loo geystey madaxweynaha ee lagu soo bandhigey wakaalada wararka ee Kuuriyada Waqooyi uu ka hor imanayo heshiiskii dhowaan ay wada gaareen Seoul iyo Pyongyang oo ahaa in laga fogaado hadalada aan wanaagsaneyn.

 

Somalilandpost.net