Warbixin arimaha dhaqaale ka hadlaysa oo uu ku baanay murashaxa xisbiga kulmiye md muse bixi cabdi

22886207_489191788111212_8097049433081094060_n

 

 

 

 

 

Hargeisa-(SLpost)-Murashaxa KULMIYE oo soo Bandhigay Xogogaalnimada Dhaqan Dhaqaale ee Dalka ee uu Dheeryahay Murrashaxiinta Dhiggiisa ah
—————————————————————————-
Hargeysa (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo bandhigay xogogaalnimada iyo waayo-aragnimada dhaqan dhaqaale ee dalka ee uu dheeryahay labada murrashax ee dhiggiisa xisbiyada UCID iyo WADDANI – Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Murrashax Muuse Biixi Cabdi oo warbaahinta kula hadlay maanta, waxa uu tilmaamay inuu si waaqici ah uga warhayo xaaladda dalka iyo baahiyaha aasaasiga ah, gaar ahaan adeegyada waxbarashada, caafimaadka, wax-soo-saarka iyo dhaqaalaha, kuwaas oo uu sheegay inuu uga xogogaalsanyahay dhigiisa la tartamaya, isla markaana uu bulshada reer Somaliland ula dareenwadaag yahay si ka duwan murrashaxiinta kale ee xisbiyada mucaaradka ah.
“Maalmahan uu socday ololaha doorahsada haddaan soo qaato mawaadiicda ugu muhiimsan ee ay ka hadlayeen murashaxiinta axsaabtu waxay ahaayeen caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha, waxaanan is leeyahay xisbiyada kale arrintaas waad uga dhawdihiin xisbi ahaan iyo qof ahaan ba,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.
Murrashaxa Madaxweynaha waxa uu sharraxaad ka bixiyey qodobada ugu waawayn ee baahiyaha bulshada ah ee uu ka war-hayntooda iyo xogogaalnimadooda dheeryahay murrashaxiinta xisbiyada UCID iyo WADDANI, waxaannu yidhi, “Saddexdayada murrashax ee aannu ku tartamayno waxa laga hadlay waxbarashada, labada murrashax ee Madaxweynaha u sharraxan labadaba waan uga xogogaalsanahay Tacliinta Somaliland halka ay marayso, dhibaatada ay qabto iyo horumarka ay samaynayso, sababta oo ah anigu gurigayga ayaan ka ogahay, dhammaan carruurtaydu waxay dhigataa dugsiyada Somaliland, dugsi hoose ilaa heer jaamacadeed, iyaga (Faysal iyo Cirro) carruurtoodu halkan waxba kama dhigato.
Arrinta caafimaadku waa la mid, aniga cusbitaalkaygu waa ka Somaliland, waa dhakhaatiirteenan, iyagu hadday duray qaadaan waxay tagaan Finland, saxna maaha, aniga hooyadday oo 80 jir ah ayaa u baahatay qalliin degdeg ah oo culus dhawr sanno ka hor Dr. Biixi iyo Dr. Aw Koombe ayaa qalay waanay ku guulaysteen, qalliin culusna wuu ahaa, cusbitaaladeenu horumarka ay samaynayaan iyo dhibaatada ay leeyihiin waan uga xogogaalsanahay waxa jira labadaba, iyagu dul-ka-xaadis bay ka hadlayaan.”
“Distoorku wuxuu dhigayaa ninka dalka iska sharraxaya ee sita baasaboor ajaanib ah in uu dalka degenaado labadii sannadood ee ugu dambeeyay, taasna ninna xaaskiisa iyo carruurtiisa dalka muu keenin ee iyaga ayuun baa degenaa, dareenkuna waxa weeye marka qoyskaagu wax la qaybsanayo dalka,” ayuu intaa raaciyey hadalkiisa.
Waxa kaloo uu ka hadlay wax-soo-saarka waddanka iyo qorshaha uga yaal horumarinta dhaqaalaha iyo waxa uu xisbigiisa KULMIYE kaga duwan yahay labada xisbi ee kale, “Arrimaha horumarinta dhaqaalaha, waxa laga yaabaa in uu qofba meel ka eegayo, anigu waxaan ogahay oo xisbiga KULMIYE ay tahay ujeeddadiisa koobaad inuu ogaado qofka reer Somaliland xeedhada waxa ku jira ee uu cunayo iyo tayadeeda, annaga waxa noo qorshe ah in la soo saaro cunto ku filan dalka, qorsheheediina waanu dhammaystirnay, dalku waxa uu u baahan yahay 432 kun oo tan oo cuntada aan duxda lahayna (Garaw, Qamadi, Bariis, Baasto IWM) iyo 21 tan oo saliid ah, iyada oo ay dheertahay oontii xoolaha, waxaynu u baahanahay in aynu gobol kasta ka beerno 13 kiiloomitir oo keliya, waana aynu helaynaa meel biyo leh oo aynu ka beerno, KULMIYE waxa go’an in shanta sannadood ee dambe oo qorshihiisa ku jirta in uu dalka gaadhsiiyo in aynu boqolkiiba 80 cuntada la soo baxno, taasina waa arrinta cuntada oo waanu uga xogogaalsanahay,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa ku daray, “Waxaannu ummadda u sheegaynaa haddaanu KULMIYE nahay in aannu xogogaalnimo iyo dareen la-wadaag bulshada reer Somaliland ah annaga qorshahayagu ku salaysanyahay, laakiin labada murrashax ee kale ay u badan tahay malo-awaal iyo waanu yeeli doonaa, taasina waa iga caddayn.”
Dhinaca kale, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi waxa uu mar kale ugu baaqay taageerayaasha xisbiga KULMIYE inay ilaaliyaan nabadgalyada iyo wadajirka qaranka, waxaannu yidhi “Waxaan ku baaqayaa oo aan u soo jeedinayaa taageerayaasha xisbiga KULMIYE inay ilaaliyaan nabadgelyada dalka oo ay nabadgelyo ku soo baxaan, ma ogolin dhallinyarada KULMIYE inay ku kacaan wax fool xumo ah ama xisbiyada kale wax u dhimaya, mana ogolin cid ku labisan astaanta xisbiga inay ku kacdo wax sharciga ka baxsan ama xeer-nidaamka ololaha, taas waan ku celinayaa, una dulqaadanmayno, KULMIYE wuxuu u taagan yahay nabadgelyo, midnimo, asluub wanaag iyo horumar, taas yaan laga bixin.