WARBIXIN: Aragtida Farmaajo ee Midnimada oo uu u daliishaday hadal Madaxweyne Cigaal ka soo xigtay iyo Mowqifkaq uu M.I Cigaal ka taagnaa Midnimo mar kale Hirgasha (DAAWO)

Muqdisho (SLpost)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa sheegay in midnimada Soomaaliya muqaddas tahay isla markaana uu aaminsan yahay inay dib u soo noqonayso midnimadii fashilantay ee hore u dhexmaray Somaliland iyo Somaliya, isagoo aragtidiisa u daliishaday hadal uu sheegay inuu hore u yidhi Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

CIGAAL-FARMAJOMd Farmaajo oo hadal ka jeediyey munaasibad habeen hore lagu xusayay 1-da July oo ahayd maalintii ay midoobeen labadii dal ee Soomaaliya oo Talyaaniga ka qaadatay xornimada iyo Somaliland oo xornimada ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska, waxa uu sheegay in Md Cigaal hore u sheegay inaanay Soomaalidu kala maarmi karin isla markaana ay mar uun isku soo noqon doonto.

Haddaba, Telefishanka HCTV oo warbixin ka diyaariyey hadalka arrintan ku saabsan ee madaxweynaha Soomaaliya, waxa uu TV-gu soo qaatay khudbad uu Marxuum Cigaal ka jeediyey Golaha Baarlamaanka Somaliland sannadkii 1999-kii, taas uu Md Cigaal ku caddeeyey Mowqifka uu ka aaminsan yahay midnimo dambe oo dhexmarta Somaliland iyo Soomaaliya.

MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO WARBIXINTA HCTV