Warbaahin Caalami ah Oo Sheegtay In Somaliland Ka Faa’idday Wada-hadalladii Soomaaliya Ee Jabuuti Ka Dhacay

Hargeysa (SLpost)– Wargeyska Caanka ah ee International Policy Digest, ayaa War-bixin dheer ka qoray siyaasadda Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kula Macaamilayso Dowladaha Gobolka Geeska Afrika.

Wargeyska International Policy Digest, ayaa ka warramay faa’idooyin Somaliland ka kasbatay Wada-hadalladii u dambeeyay ee Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti badhtamaha sannadkii hore.

Wargeysku wuxuu sheegay in Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ku yeesheen Jabuuti Xagaagii hore uu isku beddelay mid si dadban u xoojiyey siyaasadda Arrimaha dibedda ee Somaliland.

“Wareeggii u dambeeyay ee Wada-hadalladii Muqdisho iyo Hargeysa xagaagii u dambeeyay ku yeesheen Jabuuti, si deg-deg ah ayuu isku rogay. Natiijadii ka soo baxdayna waxay si aan toos ahayn ama Dadban u xoojiyeen siyaasadda arrimaha dibedda ee Somaliland,” sidaas ayuu sheegay International Policy Digest.

Wuxuu intaa ku daray, in xilliga Wada-hadalladii Jabuuti ay faa’iidada u noqdeen siyaasadda arrimaha dibedda ee Somaliland, weli Muqdisho ka taagan yahay khilaafka Dastuuriga ah ee dhinacyada ku loomanaya talada dalkaasi Soomaaliya.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net