Warbaahinta Dunida Oo Ka Digtay in Kooxo Xagjir ah oo ka faa’idaysanaya Dagaalka Ethiopia Saamayn Ku Yeeshaan Somaliland Iyo Djibouti

Addis Ababa (SLpost)- Wargeyska Journal Courier oo laga leeyahay dalka Faransiiska, ayaa War-bixin ka qoray dagaallada ka socda dalka Itoobiya, kuwaasi oo u dhexeeya Ciidammada Dawladda Federaalka ah iyo Jabhadda Qoomiyadda Tigreega ee TPLF.

Wargeyska, ayaa Sawir khatar badan ka bixiyey sida dagaallada u dhexeeya TPLF iyo Ciidammada Dawladda Itoobiya u dhibaataynayaan dadka iyo dalka Itoobiya isla-markaana dhibaatooyinka Colaaddaa ka dhashaa u saamaynayaan amniga Mandaqadda Geeska Afrika.

Wuxuu sheegay in Jabhadda TPLF oo gacan ka helaysa Jabhado ta Oromadu ka mid tahay ay kulaalayaan Caasimadda Addis Ababa oo ay doonayaan inay awood kula wareegaan, balse haddii taasi dhacdo ay xaaladdu noqon karto mid aan la saadaalin karin, inkasta oo Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu baaq nabadeed u diray labada dhinac, kaasi oo aan la ogayn In wax ka fuli doonaan iyo In kale.

Wargeyska Journal Courier wuxuu War-bixintiisa diiradda ku saaray sida colaadda Itoobiya u saamayn karto Dalalka Geeska Afrika ee nabdoon, sida Jabuuti iyo Somaliland.

Wuxuu sheegay in nabadda ka jirta labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti ay soo jiidan karto kooxaha Argagixisada ah ee doonaya Maxaabiista dagaal ee baxsadka ah iyo dadka kale ee ka soo cararraya colaadda Itoobiya, si ay uga faa’idaystaan “Gobollada Nabdoon ee Geeska, sida Jabuuti iyo Somaliland, waxay soo jiidan karaan argagixisada doonaysa maxaabiista dagaalka..” ayuu qoray Wargeyska Journal Courier.

Waxa kale oo uu tilmaamay In dagaallo sokeeye oo ka abuurma dagaalka TPLF iyo Ciidammada Itoobiya ay uga sii dari karaan xasillooni-darrada ka jirta Suudaan oo lafteeda ay hadda ka taagan tahay is-maandhaaf u dhexeeya dadka u ololeeya dimuqraadiyadda iyo militariga.

Dhanka kale, Itoobiya lafteeda, dagaal sokeeye oo dhan walba ah ayuu Wargeysku sheegay inuu noqon ku noqon karo masiibo, taasoo sii hurin karta xiisad ka dhalata Itoobiya oo ka kooban illaa 80 Qoomiyadood.

Xigasho: Geeska Afrika Newspaper