Warbaahin Caalami ah oo soo bandhigtay Guulaha Somaliland ka gaadhay Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Dowladnimada

Washington (SLpost)- International Policy Digest oo ah warbaahin fadhigeedu yahay gobolka Virginia ee dalka Maraykanka, isla markaana lagu falan-qeeyo siyaasadda Arrimaha Dibadda dalalka Caalamka, ayaa Salaasaddii shalay baahisay warbixin si qoto-dheer uga faalloonaysa geeddi-socodka horumarka dowladnimo ee Somaliland, Guulo ay ka gaadheen dhinaca dibloomasiyadda iyo dedaallada dibloomasiyadeed ee ay ugu jirto sidii ay qaddiyadda madax-bannaanida ku gaadhsiin lahayd caalamka.

Warbixintan oo uu qoray suxufi caan ah oo lagu magacaabo Maxwell Webb oo ku takhasusay Cilmiga Xidhiidhada Caalamiga ah iyo Xalinta khilaafaadka, waxa uu sheegay in Somaliland xilligan u muuqato mid u diyaarsan, hubkeedana u sidata sidii ay beesha caalamka cadaadis ugu saari lahayd aqoonsi caalami ah oo ay ka hesho. Waxa uu ka markhaati kacay in Somaliland ka midho-dhalisay hirgelinta shuruud kasta oo haykalka dowladnimo leeyahay, caalamkuna iska indho-tiray dedaalkeeda aqoonsi-raadiska.

“Taasi waxay ka dhigtay waddan xasiloon, balse go’doosan oo aan cod ku lahayn fagaareyaasha caalamka. xilligan la joogo, Somaliland oo ka faa’idaysanaysa hab-maamulkeeda-dowladimo iyo hirgelinta nidaam dimoqraadiyadeed ee guulaystay, waxay ku lamaanaysay siyaasad arrimo-dibadeed oo xeeladaysan iyadoo ka faa’iideysanaysa loolanka istaraatajiyeed ee ka socda mandaqadda Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas. Haddii lagu guulaysan doono iyo in kale weli ma cadda, laakiin waxa fursadaha guusheeda kor u qaadi kara Qaddiyaddeeda oo ay xoojiso, hanashada saaxiibo cusub oo awood badan iyo Qalalaasaha ka jira dalalka deriskeeda,” Sidaa ayaa lagu sheegay warbixinta lagu daabacay Wargeyska International Policy Digest oo uu qoray suxufi Maxwell Webb

Waxa warbixinta lagu sheegay in Somaliland oo 1991-kii ka baxday midnimadii Jamhuuriyaddii Soomaaliya ay samaysatay dowlad madax-bannaan oo jiritaankeedu ka fac-weyn yahay muddadii ay midnimada Soomaaliya ku jirtay, isla markaana in badan oo dadkeeda ahi aanay Garanayn ama aqoonsanayn wax aan ahayn dalkooda Somaliland oo ay ku garaadsadeen.

Suxufi Maxwell Webb oo dhawaan socdaal ku yimi Somaliland, waxa kale oo uu warbixintiisa ku yidhi, “Dareenka Aqoonsiga waddaniyadda ee muwaadiniinta Somaliland waa mid sugan oo qoto-dheer oo ujeeddadiisu tahay xaqiijinta madax-bannaani dalkoodu helo taasoo u muuqata mid sidii hore ka xooggan. Xataa haddii aanay madax-bannaanidooda, ma muuqato suurto-galnimo ah inay dib ula midoobayaan Soomaaliya.”

Waxa warbixinta lagu qaadaa dhigay sida ay Somaliland xilligan ugu bislaatay iibgeynta qadiyadda madax-banaanideeda ee beesha caalamka iyadoo ka faa’idaysanaysa fursadaha dhaqan-dhaqaale iyo xafiiltanka ka dhexeeya quwadaha dunida iyo awoodaha isku-garbinaya siyaasadda mandaqadda Geeska Afrika. Warbixintu waxay xustay in Somaliland ku taallo bogcad istaraataji ah oo muhiimad weyn ugu fadhida isu-socodka ganacsiga caalamka iyo xafiiltanka istraatajiyeed ee waddamada gobolka iyo quwadaha caalamka.

Bog cusub iyo istaatarjiyad hor leh oo Somaliland uga gudubtay horumarinta siyaasadeeda arrimaha Dibadda, ayaa warbixinta lagu sheegay inay horseed ka noqotay guulo wax-ku-ool ah oo albaabada u furay xidhiidho dibloomaasiyeed oo ay la yeelatay waddamo ka tirsan caalamka, iyadoo ka faa’idaysanaysa khilaafaad siyaasadeed oo jira.

Waxa guulaha dibloomasiyeed ee Somaliland ka midho-dhalisay tusaale loogu soo qaatay xidhiidhada dibloomaasiyeed iyo Ganacsi ee ka dhashay loolanka u dhexeeya dalalka Shiinaha iyo Taiwan, Xurgufta ka dhaxaysa Ethiopia iyo Masar iyo ismaan-dhaafka Somalia iyo Kenya, kuwaas oo sida warbixinta lagu xusay loolanka ka dheexeya ay Somaliland uga faa’idaysatay xoojinta iyo ballaadhinta danaheeda siyaasadeed ee Arrimaha Dibadda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net