Wararkii ugu Danbeeyay ee Xaaladda Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan ee lagu Dhaawacay Maanta Magaaladda Burco

Burco(SLPOST):- Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan  oo ka mid ah Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa hadda lagu Daweyna Cisbitaalka Guud ee magaaldda Burco, kadib markii jidhkiisa lagu dhuftay Sideed tooriyood oo ku kala dhacday qaybaha kala duwan jirkiisa.

jaamac Xasan Aadan

Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan ayaa duhurnimadii maanta isagoo fadhiya meher ganacsi horteeda, ayaa nin sita midida loo yaqaan Tooreyda  oo maqiiqani oo xildhibaanka oo goobtaasi fadhiya si badheedha ula dhacay Mindida, wuxuuna gaadhsiiyey sideed dhaawaca oo kala duwan.

Xildhibaanka ayaa isla markiiba loola cararay cisbitaalka guud ee magaaladda Burco, halkaaso lagu dawaynaayo, sidoo kale ninkii falkan gaystay ayaa gacanta lagu dhigay oo hadda ku xidhan Saldhiga dhexe ee magaaladda Burco.

Ila hadda lama garanaayo sababta ninkani uu xildhibaanka u weeraray ee ugu gaystay dhaawacyadda intaasi le’eeg.

Xaaladda Caafimaadka ee Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan ayaa la sheegaya inay ka soo raynayso.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland