Wararkii u dambeeyey Xiisadda Siyaasadeed ee ka dhex-aloosan Federaalka iyo Ismaamulka Soomaalida Ethiopia

Xiisad siyaasadeed ayaa lagu soo warramaya in maalmahan ba ay ka taagneyd Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne Mustafe Muxumad Cumar ayaa maalin ka hor labo jeer looga yeedhay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, waxaana markii uu dib ugu soo laabtay Jigjiga la sheegay in uu kulamo la qaatay golihiisa wasiirrada oo la aaminsan yahay in uu kala hadlayo xaaladda taagan. Sidaas waxa baahisay laanta Afka Soomaaliga ee BBC.

Madaxweyne Mustafe Cagjar, ayaa shalay xilkii ka qaaday wasiirka warfaafinta ee deegaanka Guuleed Ali Kaahin, oo ay warbaahinta Itoobiya qortay in lagu eedeeyay inuu warar khaldan ka baahiyay qorshayaasha siyaasadeed ee Madaxweyne Cagjar oo uu u gudbiyay xukuumadda Addis Ababa, waxaanu wasiirka warfaafinta u magacaabay masul cusub. Wasiirka hore ayaa la sheegay inuu diiday amarada Madaxweyne Cagjar isagoo gebi ahaanba diiday inuu ka qayb galo shirarka golaha wasiirada.