Wararkii u dambeeyey Socdaalka Weftiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo ku sugan Dalka Canada

Ottowa (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland Dr. Ciisa Kayd iyo wefdi uu hogaaminayo oo dorraad Khamiistii booqasho shaqo ku tagay dalka Canada, ayaa xalay kulan la yeeshay xubno ka tirsan Baarlamaanka dalkaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda waxa kulanka dhexmaray xildhibaannada Canada ku wehelinayay safiirka Somaliland ee Canada Marwo Luul Axmed Cismaan, waxaana la sheegay in kulankaas lagaga wada-hadlay danaha labada waddan, sida lagu sheegay qoraal lagu faafiyey barta Twitter-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Qoraalka lagu baahiyey barta Twitter-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa u qornaa sidan:- “Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Ciisa Kayd, waxa uu kulan la qaatay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dalka Kanada, waxaanay si weyn uga wada-hadleen arrimo dhawr ah oo khuseeya danaha guud ee labada wadda,” sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka.

Socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Ciise Kayd ee Dalka Canada ayaa noqonaya waddankii Saddexaad uu tago, kulamona la qaato masuuliyiin dowladeed tan iyo markii uu labada toddobaad ka hor safar shaqo kaga amba-baxay Hargeysa, isagoo xilligaas toos ugu anba-baxay dalka Maraykanka.

Weftiga Wasiirka oo ay ku wehelinaysay Dr Edna Aadan Ismaaciil ayaa kulamo la qaatay dibloomaasiyiin Maraykan ah muddo laba maalmood ah oo uu ku sugnaa dalkaas. Intaas kaddib, weftiga Wasiirka ayaa toddobaadkii hore gaadhay magaalada London ee dalka UK halkaas oo uu kulamo kula qaatay Jaaliyadda Somaliland ee dalkaas iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska oo taageera qadiyadda madax-banaanida Somaliland.

Weftiga Wasiirka ayaa dorraad Khamiistii gaadhay dalka Canada kaddib markii uu u dhammaaday socdaal maalmo qaatay oo ay ku joogeen dalka UK.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net