Wararkii u dambeeyey Qarax Ismiidaamin ah oo Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (SLpost)- Qarax uu fuliyey qof walxaha qarxa isku soo xidhay, ayaa caawa fiidnimadii ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Wararka aanu ka helnay magaalada Muqdisho, waxa ay sheegayaan in qaraxan oo uu fuliyey qof naftii-hure ahi uu ka dhacay goob Maqaaxi ah oo ku taalla agagaarka saldhigga Booliska ee degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

Qarax ka dhacay Muqdisho (File Photo)

Goobta Qaraxu ka dhacay ayaa la sheega inay ku sugnaayeen dad shacab ah, waxaanay wararku sheegayaan inay goobta ku geeriyoodeen Shan Qof oo Shacab ah, iyadoo ay jiraan dad dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen qaraxaas.

Qaraxa ayaa ku soo ku soo beegmaya iyadoo magaalada Muqdisho maanta lagu soo gebo-gabeeyey wejigii hore ee shir lagaga arrinsanayey arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya oo xerada Afisyoone ay ku yeesheen Xukuumadda Soomaaliya, madaxda maamul-goboleedyada iyo kuwa Mucaaradka ah.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net