Wararkii u dambeeyey Dagaalka Ethiopia iyo Duqeymo ka socday Caasimadda gobolka Tigray

 

Addis Ababa (SLpost)- Magaalo madaxda gobolka Tigray ee Ethiopia ee Mekelle, waxaa ku socda duqeyn  xooggan oo Milatariga dalkaasi ku bilaabeen Sabtida maanta, sida ay xaqiijiyeen warar laga helay hay’adaha gargaarka ee ku sugan gobolka iyo goobjoogayaal ka cararay magaalada.

Duqeynta ka qaraxday magaalada Mekelle laba maalmood ka dib markii ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu shaaciyey inay ciidamada Milatarigu galayaan wejigii ugu dambeeyay ee hawlgal militari oo dib loogu soo celiyo kala-dambaynta sharciga ee gobolka waqooyi ee Tigray ka dib 72 saacadood oo kasoo wareegtay muddadii loo qabtay jabhadda TPFL.

Hogaamiyaha Jabhadda Xoreynta Dadweynaha Tigreega (TPLF) Debretsion Gebremichael ayaa dhankiisa xaqiijiy duqeynta ciidamada Milatariga federaalka Itoobiya ku bilaabeen caasimadda Tigray, sida uu u sheegay wakaalada wararka ee Reuters oo fariin qoraal ah uu u diray.

Af-hayeenka xafiiska ra’iisal wasaraha, Billene Seyoum, ayaa sheegtay in ciidamada Itoobiya aanay “duqaynayn” goobaha rayidka ah, waxaanay intaa ku dartay in “bedqabka dadka rayidka ah ee reer Itoobiya ee ku nool Mekelle iyo gobolka Tigray tahay arin mudnaan u leh xukuumadda federaalka”.

Debretsion ayaa sidoo kale ku eedeeyey ciidamada dalka ay jaarka yihiin ee Eritrea in ay weerareen xeryo qaxooti oo ku yaal gobolka Tigray si ay u qabqabtaan qaxooti hore uga soo qaxay Eritrea.