Wararkii u dambeeyey Dagaal khasaare baaxad leh Sababay oo Dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo Malleeshiyaadka Kooxda Khaatumo

Taleex (SLpost)- Dagaal xooggan oo laysu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, ayaa maanta gelinkii dambe Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Maleeshiyaadka kooxda la baxday Khaatumo ku dhexmaray deegaanka Saax-dheer ee gobolka Sool, gaar ahaan meel u dhow Xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

ciidanDagaalkan ayaa ka dhashay ka dib markii ciidamada Somaliland oo ku daba-jira malleeshiyaad uu wato Cali Khaliif Galaydh oo shalay ka baxay magaalada Taleex, kuwaas oo isku urursanayey deegaanka Saax-dheer halkaas oo malleeshiyaad hubaysani jid-gooyo ugu galeen ciidanka.

Ilaa immika lama oga khasaaraha dhabta ee dagaalkan ka dhashay, haseyeeshee wararka aanu helayno ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac-ba oo labada dhinac kala gaadhay iyo gaadiid tikniko ah oo laga qabsaday maleeshiyada Khaatuumo, halka la sheegay in ciidanka Somaliland laga gubay hal gaadhi oo tikniko ah.

Warar deegaankaas laga helayo, ayaa sheegaya in dagaalku joogsaday Fiidnimadii Caawa, ilaa immikana ma jirto Cid uga hadashay Ciidanka Qaranka Somaliland iyo dhinaca Kooxda Khaatumo.

LA SOCO WIXII KA SOO KORDHA……..

 

SOMALILANDPOST.NET

Laascaanood, Somaliland