Wararkii u dambeeyey Bannaan-bax Rabshado wata oo ka dhacay Gabiley iyo Ciidamada RRU-da oo Muquunin iyo Rasaas kula kacay

Gabiley (SLpost)- Bannaan-bax lagaga soo horjeedo Saraakiil todobaadkii hore lagu dilay deegaanka Qorilugud ee gobolka Buuhoodle, ayaa maanta ka dhacay magaalada Gabiley, waxaana bannaan-baxaas ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira ka dib markii ciidamada sida gaarka ah u tabobaran ee RRU-du ay rasaas iyo muquuqnin kala hor tageen dad shacab ah oo mudaharaadayey.

Wasiirro u dhashay deegaanka gobolka Gabiley oo ay weheliyaan Ciidamo RRU ah, ayaa muquunin u adeegsaday bannaan-baxa dadka shacabka ah oo ka mudaharaaday Sarkaal ka tirsan Ciidanka Qaranka oo maalintii Arbaca ee todobaadkan Askari ka tirsan ciidanka Qaranku si badheedh ah ugu dilay magaalada Qorulugud ee Buuhoodle.

Wararkii u dambeeyey Bannaan-bax Rabshado wata oo ka dhacay Gabiley iyo Ciidamada RRU-da oo Muquunin iyo Rasaas kula kacayWararka aanu ka helayno gobolka Gabiley, ayaa sheegaya in Baabuur ay wateen ciidamada RRU-du dul maray Hooyo iyo ilmo ay gacanta haysay oo da’diisa lagu sheegay 10 jir, halkaasna uu wiilkii ku dhintay, hooyadiina xaaladeedu aad u adag tahay kadib markii loola cararay cusbitaalka guud ee magaalada Gabiley.

Wiilka yar dhintay ayaan magaciisa la xaqiijin ilaa iyo hadda waxaa soo gaadhay cusbitaalka guud ee magaalada Gabiley shan qof oo dhaawaca halka dadka kale oo dhaawaca loola cararay magaalada Hargaysa si loola tacaalo xaaladooda caafimaad oo liidatay awgeed, sida ay xaqiijiyeen wariyeyaal ka hawl-gala magaalada Gabiley.

Dadka dhaawacmay ee dhakhtarka la keenay ayaa magacaantoodu ay kala yihiin Suhayb Yaasiin Cismaan, Cawaale Cumar Faarax, Axmed C/lahi Ciise iyo Gabadh iyo wiil aan wali la aqoonsan magacyadooda oo koomo ku jira.

Dadwaynahan ayaa ka kacsan xukuumada uu hogaamiyo Axmed Siilaanyo kadib markii nin ay madaxwaynaha isku hayb yihiin si badheedh ah ugu dilay xerada ciidanka qaranka dhexdeeda gudaha tuulada Qurulugud laba Sarkaal oo midkood ka soo jeedo gobolka Gabiley, halka ka kalena uu u dhashay gobolka Awdal.

Sida uu ki Bilaamay Mudaharaadku Maanta

Sida uu ku soo warramayo wariyahayaga Gobolka Gabiley, waxa Mudaharaadka oo Bilaabmay Salaaddii jimcaha kadib loo adeegsaday Cudud ciidan, waxana, waxana rasaastii ciidanku ridayeen ku dhacday dadkii mudaharaadka waday oo iyagu ahaa kuwo aan hubaysnayn.