Wararkii u Dambeeyay ee Khasaaraha Weerarrada Paris

 

Paris(SLpost) – Dhimashada weeraradii xalay gilgilay magaalada Paris ee caasimada Faransiiska ayaa gaadhay ugu yaraan 128 Qof. Weerarrada ayaa lala beegsaday Tiyaatar lagu daawanayay bandhig koox Maraykan ahi Muusik ku tumaysay iyo meelo kale oo dhawr ah.

 

Weerar kale oo qarax ah ayaa la sheegay inuu ka dhacay maqaayad u dhow garoonka kubadda cagta ee Stade de France oo ay ciyaar ku dhaxmaraysay xulalka Faransiiska iyo Jarmalka. Madaxweynaha Faransiiska oo ciyaarta daawanayay ayaa degdeg looga daad gureeyay goobta.

 

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa kadib weerarada shacabka la hadlay una sheegay inay xaaladda dejiyaan, islamarkaana ciidamadu gacanta ku dhigaan ammaanka. Wuxuu sheegay in dalku galay xaalad degdeg ah, sidoo kalena la xidhay dhammaan xuduudaha waddanka.

 

Weeraradan waxaa loo adeegsaday qaraxyo ismiidaamin ah iyo weeraro toos ah oo dablay gaysatay, sida booliska Faransiska laga soo xigtay. Tiyaatarka kumanaan qof ku sugnaayeen ayaa lala soo galay rasaas toos ah, wuxuuna boolisku sheegay in 70 qof halkaasi lagu qabsaday, balse markii Ciidanka Faransiisku isku dayay inay soo furtaan dhammaantood la dilay.

 

Qodobadda U Muhiimsan:

  1. Ugu yaraan 128 ayaa ku dhintay weerarrada Paris, 200 qof-na way ku dhaawacantay;
  2. Ilaa 80 ayaa ku dhintay Bataclan concert hall oo koox Maraykan ahi bandhig fanneed ka waday;
  3. 4 ka mid ah dadka weerarka gaystay ayaa ku dhintay Tiyaatarka Bataclan;
  4. 4 kale oo weerar yahan ayaa sidoo kale ku dhintay meelo Paris ka tirsan;
  5. Waxaa wali socda baadhis ku aadan dad la baadigoobayo oo laga shakisan yahay;
  6. Shacbiga ayaa la faray inaanay guryahooda ka soo bixin;

 

SOMALILANDPOST.NET