“Warancadoow Ka hadalka Turkiga waxaa ka dhow Tiyaatarka Hargeysa” – JAMAAL CALI XUSEEN

Hargeysa (SLpost)- Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ku dhaliilay ka-hadalka Arrimaha Soomaaliya iyada oo ay jiraan khilaafaad dad shacab ah u dhexeeya oo ka taagan Tiyaartka Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Waran-cadde, ayaa la sheegay inuu amray fulinta hawlgal dawladda hoose maanta ka fulisay wejahadda Hore ee Tiyaatarka Hargeysa oo dhismahiisu socdo, iyada oo la siiyey nin ganacsade ah oo maal-gashay, arrintaas oo sababtay inay iska hor-yimaaddaan Dad shacab ah oo ka soo kala jeeda Ganacsatada Tiyaatarka dhisanaya iyo nin Suldaan ah oo la siiyey Wejadda Galbeed ee Tijaatarka, kuwaas oo maanta iyaga oo hubaysan gudaha u galay Tiyaarka.

JAMAALIyada oo Arrintani jirto, ayaa wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maanta ka hadlay isla markaana dawladda Soomaliya ku dhaliilay u hoggaansanaan la’aanta heshiisyo hore loo gaadhay, taas oo sababay inuu burburo shirka wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo maalintii Sabtida ee todobaadkan ka furmi lahaa magaalada Istanbul ee Turkiga.

Haddaba, Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo daba-socda hadalka wasiirka iyo dhacdada maanta ee Tiyaatarka Hargeysa, waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay in wasiirka Daakhiligu ka hadlo arrinta shirka wada-hadallada labada waddan iyaga oo dab ka qiiqayo gudaha caasimadda.

Qoraal uu arrintan kaga hadlay Jamaal Cali Xuseen oo uu ku baahiyey bartiisa Facebook, ayaa u qornaa sidan:- “Caawa waxaan la yaabay wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland mudane Cali Maxamed Warancadde isagoo ixtiraam iga mudan in aan arko isagoo ka hadlaaya shirka ka dhacaaya Turkiga ee wadahadaladda Somaliland iyo Somalia. Waxaan filaayey inuu Wasiir Warancadde ka hadlo arrinta Tiyaatarka Hargeysa ee cakiran ee qoryaha laysla hortaagan yahay ee gondahiisa ka dhacaysa maadaama uu yahay wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland. Shirka Turkiga weftina wuu inoo jooggaa; dadkii kale oo dhamina waa u jooggaan ka hadalkiisa, hadday tahay mucaarid iyo muxaafidba. Arrinta Tiyaatarka ka dhacaysaa nasiib daro waxay sababtay khasaare dhaawac leh; welina ay xaaladdii taagan tahay. Shaqaaqadan ka taagan Tiyaatarkii oo ku yaalla caasimaddii Somaliland ahna muraayadda laga dheehdo dalka. In maanta ay tan oo kale ka dhacdaa dalka miyaa la filaayey? Xiisaddaa ka jirta Tiyaatarkana waxaa masuuliyadeedda leh Madaxtooyadda. Maamul xumaddani waxay muujinaysaa sida layskaga hor keenayo bulshadda walaalaha ah ee wada deggan caasimadda si loo sameeyo xaalad abuur. Hadalka Warancadde ee ka hadlaya wadahadalo ka socda Turkiga iyo qaaradda Yurub waxaa uga dhow inuu ka hadlo oo wax ka qabto xaaladda Tiyaatarka Hargeysa. Taasoo muujinaysa maamul xumidda iyo aqoon daradda ka haysa shaqooyinka iyo waajibaadka loo igmaday masuuliyiinta iyo kuwii ku ilaalin lahaa oo meesha ka maqan. Waxaan ugu baaqayaa madax-dhaqameedyada iyo waxgaradka bulshada deggan magaalada Hargeysa in ay u guntadaan oo wax ka qabtaan xaaladda cakiran ee Tiyaatarka magaalada Hargeysa. Adkaynta amnigana meel looga soo wada jeesto..Ilaahay ha dhowro Somaliland.” Sidaas ayuu Jamaal Cali Xuseen ku sheegay Qoraalka.

SOMALILANDPOST.NET