Waraaq Furan Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibada

guddoomiyaha jaaliyadda Somaliland ee JabuutiAnigoo ku hadlaya magacayga gaarka ah Abdinasser Ahmed Ibrahim isla markaana ah gudoomiyaha  jaaliyada Somaliland ee Dibouti, waxaan  marka hore hambalyo u dirayaa wassiirka cusub ee wassaarada arrimaha dibada.

Inkastoo aanan aqoon toosa u lahayn wassiirka, waxaa igu maqaal ah inuu yahay shakhsiyada aad u dadaal badan waayo aragnimo iyo karti uu hawshaa ku gutana leh.

Wassiirka hal mid ayaan kula talinayaa.

Muddane wassiir  “diba gal buuxa ku sammee safiirada Somaliland”,

Waxay ahayd khaladka ugu weyn ee uu sammeeyay wasiirkii kaa horeeyay , wassaarada arrimaha dibaduna dhinackasta way ka dhisantahay marka laga reebo safiiro xumo haysata.

Safiiradu waa baalasha wassaarada arrimaha dibadu ku duulayso waxaanan si toosa u odhanayaa baalashaasi hadda way inaga qoyan yihiin arrintaa aad ugu fiirso.

 

Mahadsanid