WAR-SAXAAFADEED: Soo Af-Jaridda Qaadhaankii Dawga-Cad iyo Hay`adda EAD UK oo guddoonsiinaysa deeq lacaga Guddida Dawga-Cad

Waxaa farxad weyn noo ah dhammaantayo in aan maanta oo bishau tahay 24-kii May 2014 soo af-jarayno qaadhaankii Dawga-cad ee Hay`adda EAD UK. Qaadhaankan oo ay bulshada reer Somaliland ee UK degeni ugu deeqeen dhismaha Dawga-cad, dhanna  $96,823.03  waxaa  loo  gudbinaya Guddida dhismaha Jidka Dawga-Cad ee Somaliland.

Qaadhaankan waxaa si hagar la’aan ah uga qayb qaatay xubnaha ururka EAD UK rag iyo dumar.

DSC_0936Mahadnaq:

Guddida Hay`adda EAD UK wuxuu aad iyo aad ugu mahad naqaya Jaaliyadaha reer Somaliland ee degen Magaalooyinka London, Birmingham, Coventry, Manchester, Bolton, Britol, iyo Cardif. Jaaliyaddahaas oo si weyn uga qayb qaatay ururinta qaadhaankan, xilli lagu jiray jiilaal hawaduna aad u qaboobeyd, haddana dadku habeen iyo maalin way dhex soconaayeen, iyaga oo guri guri u marayey si qaadhaan macquul ah loo helo. Ururinta qaadhaankan looma kala hadhin rag, dumar iyo dhalin yaraba, waxaana tartankii qaadhaan ururinta kalinta kowaad ku guulaystay dumarka EAD, oo muujiyay dadaal iyo firfircooni dheeraad ah.

Xusuusin:

Waxaan is xusuusinaynaa in ay tahay shaqadani, mid qof walba wixii uu gashaday ama ku darsaday ajarkeedu waligeed u soconayo (Sadaqa Jaariya), sidaa darteed waa in aan isku dhiirinnaa ka qayb qaadashada arimaha khayriga ah ee noocan oo kale ah, ee dalkii iyo dadkiiba u baahan yihiin; Kagana qayb gashaan aqoontiina, maalkiini, muruqiina iyo maskaxdiinaba, idinkaa oo ilaahay dartii u samaynayna , waxaynu dhisaynaa waa dalkeennii.

Dhiiri galin:

In kaste oo qaadhaan ururintii Dawga-Cad ee dalka Ingiriiska aanu soo gaba gabaynay, haddana waxaanu dhiiri galinaynaa in laga sii wado qaadhaanka Dawga-Cad dalalka kale ee dunida gaar ahaan dalalka yurub, America iyo Carabaha. Guddiyada hay’adda EAD wuxuu diyaar u yahay inuu idinla wadaago waayo aragnimada uu arinkan u leeyahay. Ilaahay haka Jazaa’isiiyo qof waloo ka qayb qaatay Qaadhaanka Dawga-Cad 2014, waad ku mahadsan tihiin.

 

Wa billaahi tawfiiq

Alla Mahad leh

Gudida : EAD UK

www.facebook.com/pages/EAD/197919580366407?fref=ts

www.eastafricadevelopment.org