WAR-SAXAAFADEED: ‘Shirkadda Dahabshiil Waxa ay iska fogeyneysaa Wararka la xidhiidhinaya Isbeddelka Maamul ee Shirkadda TELCOM’

Hargeysa (SLpost)- Warsaxaafadeed ka soo baxay Shirkadaha Dahabshiil, ayaa si rasmi ah loogu caddeeyay in warka saxaafada qaar ku

soo baxay ee ah in shirkada Dahabshiil iibsatay shirkada Telecom, aanu run ahayn oo yahay  ku-tiri-ku-teen, mala-awaal xaqiiqada ka fog.

War-saxaafadeedka Shirkadda oo maanta ka soo baxay Xarunta Shirkaddu ku leedahay magaalada Hargeysa, waxa uu u dhignaa sidatan:

“Waxa beryahan dambe warbaahinta kala duwan ee Soomaalida ku soo baxayey warar kala duwan oo sheegayey in  Shirkadda Dahabshiil la wareegtay mulkiga iyo maamulka shirkadda Isgaadhsiinta ee TELCOM, shaqaalaheediina  kala dirtay.

Haddaba, waxa  shirkadaha Dahabshiil Group si rasmi ah u caddaynayaan in uu warkaasi yahay  ku-tiri-ku-teen, mala-awaal ah oo xaqiiqada ka fog. Shirkadaha Dahabshiil Group waxba kalama socdaan, wax lug ahna kuma laha arrimaha u gaarka ah Shirkadda TELCOM.

Waxa Shirkaddda Dahabshiil bulshadu ku baratay, kuna tixgelisaa, adeeg hufan, ammaano iyo u-dhego-nuglaanta arrimaha la xidhiidha daryeelka bulshada.

Sidaa darteed, shirkadda Dahabshiil waxay u taagan tahay daryeelka iyo u-adeegidda bulshada goor kasta iyo goob  walba iyada oo aaminsan in bulshadu horumar ku gaadhi karto dhiirrigelinta fursadaha shaqada iyo kobcinta dhaqaalaha.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net