War-Murtiyeed: Rejadii Dhallinyaradda Oo Rumawday!

Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta run u rogay riyadii iyo rajadii ay qabeen muddo badan dhallinyaradda Somaliland ee ahaa ka qayb-galka tallada dalka ka dib markii ay cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeer Lam. 20.

Xeerkan Xeer Lam. 20 waxa uu ku saabsan yahay doorashooyinka goleyaasha deegaanada, waxaanu markii hore ku xadidayey da’da ka qaybgalka goleyaasha deegaanka 35-jir taas oo dhallinyaradda dabar sharci ku noqotey, keenteyna inay Dallada Dhallinyaradda Somaliland ee SONYO  dadaal fara badan ka gasho sidii da’daasi loo dhimi lahaa.

Xukuumadda Somaliland ee uu hormoodka u yahay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Axsaabta qaranka iyo xildhibaanada golaha wakiiladu waxa ay door weyn ku lahaayeen sidii loo meel marin lahaa wax ka badalka qodobkaasi waxaanay SONYO si weyn ugala shaqeeyeen sidii da’da ka qayb galka golayaasha deegaanka hoos loogu soo dhigi lahaa 25-jir, si dhallinyaradu door ugu yeesheen ay dalkooda kaga qayb galaan hogaamintiisa loona diyaariyo jiilkii berri ka maalin dalka hogaankiisa gacanta ku dhigi lahaa. Golaha wakiiladda Somaliland waxa ay maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen wax ka badalka xeerkaasi, taasi oo noqonaysa dhacdo taariikhi ah oo ka turjumaysa bisaylka ka muuqda golayaasha qarankeena. SONYO oo matalaysa dhammaan dhallinyarada Somaliland meel kasta oo ay dunida ka joogaan waxa ay hambalyo iyo bogaadin aan ereyo lagu cabbiri Karin u soo gudbinayaan xildhibaanada golaha wakiilada ee rumeeyey rajadii dhallinyarada gacantoodana ku ansixiyey xeerkaasi. waxa kale oo ay dhallinyaradu mahad naq ballaadhan u soo jeedinaysaa cid kasta oo si toos ah iyo si dadbanba gacan uga gaysatay meel marintan xeerkan iyo xaqiijinta himilada dhallinta Somaliland.

Dalladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO waxa ay hambalyo u soo jeedinaysaa dhammaan dhallinyarada reer Somaliland gudo iyo dibadba waxaanay ugu baaqaysaa in ay u diyaar garoobaan sidii ay dalkooda wax ugu qaban lahaayeen ee ay fadhiga uga kici lahaayeen si dalkeenu ula tartamo dunida aynu ku noolnahay oo aynu horumarkiisa uga shaqayno, maadaama dabaradii sharci ee dhinaca ka qayb galka siyaasadda wax laga badalayna waxa ay ugu baaqaysaa in ay hab mudakarnimo ah hankooda uga dhabeeyaan oo ay ka turjumaan xaqiiqada dhabta ah ee ay maanta ku doonayaan in ay caynaanka ugu qabtaan dalkan curdinka ah ee u baahan dhiiga cusub iyo cudadda casriga ah ee la jaan qaadaysa cahdigan cusub.

Waa maalintii aynu shacabka Somaliland qaybihiisa kale tusi lahayn in dhallinyarada Somaliland maanta tahay awoodda wax badali karta, kana dhabayn karta himiladii muddo dadkoodu qabeen ee ahayd “Mustaqbalka Berri” oo aynu maanta ku badalayno “Mustaqbalkii Maanta”. Dhiigg cusub oo ka fayaw cudurada bulshadeena dib u riday ee ay ugu horeeyaan qaadka iyo qabiilku. “Hadal Yar iyo Hawl Badan”. Waa maalintii aynu aqoonteena iyo cududeena muujin lahayn ee aynu dalkeena wax ugu qaban lahayn.

Ugu dambayn dalladda ururada dhallinyarada Somaliland ee SONYO waxa ay golaha guurtida jamhuuriyada Somaliland ka filaysaa in ay sidaa golaha wakiilada u baas garayn doonaan wax ka badalka xeerkan oo ay maalmaha soo socda ka doodi doonaan.

Guul Iyo Gobonimo

Guddoomiyaha Dalladda SONYO

Axmed Cabdi Wacays