War-murtiyeed laga soo saaray Muqdisho oo lagaga hadlay Qaabka Ololaha Xisbiyada iyo Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Dowladda Soomaaliya, ayaa ka hadashay qaabka ay u socdaan Ololaha Xisbiyada Somaliland ugu jiraan Doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay 13-ka bishan ka qabsoonto dalka, taas oo ay ku tilmaantay mid u socda si xasiloon oo bisayl siyaasadeed ka muuqdo.

War-murtiyeed maanta laga soo saaray shir magaalada Muqdisho uga socday Dowladda Dhexe iyo maamul-goboleedyada Soomaaliya oo ka kooban Shan qodob oo gun-dhig looga dhigay heshiis siyaasadeed oo dhexmaray dhinacyada siyaasadda ee dalkaasi Soomaaliya, ayaa arrimaha Ololaha iyo doorashada lagu soo qaaday farqadda Afraad ee Qodobka Afraad ee war-murtiyeedka la kala saxeexday, kaas oo ka hadlay Doorashooyin la qorsheeyey in sannadka 2020-ka lagu qabto dalkaas.

WAR“Waxaan ku bogaadinaynaa Maamulka Somaliland Habsami u socodka Ololaha Doorashada oo ay ka muuqato xasiloonni Siyaasadeed, waxaana rejaynaynaa in ay si nabad-gelyo ah ku dhammaado,” Sidaas ayaa lagu sheegay farxadda (d) ee qodobka Afraad ee war-murtiyeedka laga soo saaray heshiiska siyaasadeed ee dhexmaray dhinacyada Soomaaliya.

Shirka laga soo saaray war-murtiyeedkan, waxa ka qayb-galay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada dalkaas oo muddooyinkii u dambeeyey isku khilaafsanaa Arrimo badan oo la xidhiidha siyaasadda hoggaamineed ee dalkaas.

HOOS KA EEG QODOBKA ARRINTAN LAGAGA HADLAY

WAR-MURTIYEEDKA