War degdeg ah: Aroos deegaanka Arabsiyo ka dhacay oo Dhimasho iyo Dhaawac sababay

breaking-newsArabsiyo (SLpost) Deegaan Buuralay ah oo ku yaala waqooyiga magaaladda Arabsiyo ayaa xalay lagu Dilay Afar qof, halka tiroo illaa Sagaal qof gaadhaysana ay ku dhaawacmeen kadib markii Nin Rasaas ku furay dadkii joogay Xafaladda Arrooska.

Dadka dhintay laba waa Rag labana waa Haween hase yeeshee illaa hada tirade Dadka dhaawaca ah lama sugin deeegaanka Mashaqadu ka dhacday oo ah Dhul go’doon ah oo jidku xun yahay.

Dad xogogaal ah oo Somalilandpost  la xidhiidhay ayaa u xaqiijiyay ninka Rasaasta furray in ahaa nin caafimaad ahaan aan wanaagsanayn isla markaana waxa ay sheegeen in Qoriga uu ka qaaday nin rasaas damaashaad ah u ridiyay Arooska.

Somalilandpost.net

Arabsiyo