Hargeysa: Magacyada Laba Askari Oo Ka Tirsan Ciidanka Nabadgelyada Oo Ku Naf Waayay Shaqaaqo Dhul

Hargeysa, (SLpost)- Laba askari oo ka tirsan ciidanka nabadgelyada Somailand ayaa ku geeriyooday isku dhac ka dhashay dhul ku yaalla galbeedka magaalada Hargeysa.

Isku dhacan oo ciidanka iyo koox hubaysan oo ka gadoodsanayd dhul ay hore maxkamaddaha dalku fulin ugu sameeyeen ayaa saaka abbaaro lixdii subaxnimo ka dhacay agagaarka buurta kala jeexan ee galbeedka magaalada Hargeysa oo uu dhulkaas ku yaallo.

Laba askari ee geeriyooday oo magacyadoodu kala ahaayeen Khadar Yuusuf iyo Maxamed Yare ayaa ka mid ah ilaalada dhulkaas oo sida ay dad xog-ogaal ahi u sheegeen shabakada Somalilandpost laba dhinac oo isku hayay mid ahaan ay dhawaan maxkamaddu u xukuntay, isla markaana ay u fulisay, waxaana muddooyinkii u dambeeyay ka socday dhisme, kaasoo sababay isku dhawr jeer dhexmaray labadii dhinac ee loo kala xukumay, iyadoo qoladii laga xukumay dhulkaasina ay muujinayeen inaanay ku qanacsanayn xukunkaas, waxaana laba maalmood ka hor hakad gelisay dhismaha dhulkaas madaxtooyada Somaliland, iyadoo saaka qoladii laga xukumay ay weerar hubaysan ku qaadeen ciidankii ilaalada ka ahaa, kaasoo sababay dhimashada laba askari.

Dhibaatooyinka dhulka ka dhashay ayaa muddooyinkii u dambeeyay aan ku badnayn caasimadda Hargeysa, iyadoo hay’addaha dawladda ee ay khuseeyaan arrimahaasi ay dedaal badan ka sameeyeen soo afjarida aafadaas, balse dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay sannadkan ee ka dhacda caasimadda oo ay ku naf waayaan laba askari oo ka tirsan ciidanka nabadgelyadu.

Somalilandpost.net