WAR DEG-DEG: Baabuurkii Wasiirka Gaadiidka Cirka Maamul-goboleedka Puntland oo Goor-dhawayd lala soo galay Magaalada Ceerigaabo

Ceerigaabo (SLpost)- Baabuurkan Wasiirka Duulista iyo Hawada Maammul-goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland Xuseen Cabdi Naxar (Xuseen-jiriid) po noociisu yahay Landcruiser midabkiisu madow yahay Plate Numberkiisuna yahay GD.459 Ayaa goor habeennimo ah caawa wuxu soo gaadhey gudaha magaalada Ceerigaabo. Waxana baabuurkan lasoo goostay dareewalkii wasiirkan u wadey oo magaciisu yahay Xasan Aadan.

Baabuurkan ayaa kaddib rasaas fara badan oo ay la beegsadeen koox katirsan ciidanka qaranka Guutada 45-aad oo fadhigoodu yahay gudaha magaalada Ceerigaabo goor uu kusoo dhowaa Kaantaroolka Ceerigaabo waxay ka haleeshay mid ka mid ah taayirrada danbe haseyeeshee maaddaama ciidankan oo ay isku hayb yihiin wasiirka iyo dareewalka baabuurka lasoo goostya kana cabsi abbey waduhu in baabuurkan ay beel ahaan uga qaadayaan si uu uga soo guda galo magaalada Ceerigaabo wuxu ku guulaystey inuu ka fara baxsado ciidankaas. Lamana garan karo wax dhawwac naftiisa gaadhey wadaha baabuurkan ilaa hadda. Halka warar aan la hubin ay sheegayaan inuu jiro nin dhallinyaro ah oo baabuurkan lalasoo fakaday saarnaa oo isaga dhaawac kazoo gaadhey rasaastii ciidannkan qaranku ku ridayeen.

Sidoo kale ciidanka boliiska oo iyaguna xogta baabuurkan helay kana hortegey iyo baabuurkii oo cararaya iyo ciidankii millateriga ahaa oo baacsanaya ay si kedis ah u kulmeen kaddibna dareewalkii baabuurkan wadey uu ka cararay baabuurkii halkaasoo waqti yar gudihiis labadii ciidan ku kulmeen gaadhigan lala soo goostay waxana baabuurkii u fara horreeyey ciidanka millateriga ah kuwaasoo muran dhex maray iyaga iyo boliiska kaddib u kaxaystay baabuurkaas xeradooda millateriga ee gudaha Ceerigaabo.

Mas’uuliyiinta boliiska mas’uuliyiin millateriga ah iyo Badhasaab-kuxigeenka ahna kusimaha badhasaabka gobolka Sanaag Ismaaciil Cabdi Xasan oo arrintan awgeed dhacdadaas kaddib isugu tegey Saldhiggaa Boliiska Daalo ayaa isla qaatay in gaadhigaasi caawa ku baryo gacanta ciidanka millateriga kaddibna lagusoo wareejiyo gacanta boliiska.

Waxa jira dhaqdhaqaaq beeleed oo lagu raadinayo sidii baabuurkan loogu sheegi lahaa mid shacab iyo weliba in lagu hawllan yahay sidii lambar shacab ah gaadhigan loogu xidhi lahaa  islamarkaasna dib loogu celin lahaa gacanta beesha wasiirku kazoo jeedo iyadoo wararku sheegayaan in odayaal beeshan ahi kazoo kicitimeen degaannada koonfurta Sanaag si ay u meel mariyaan fekerka kusaabsan in gaadhigani yahay gaadhi shacab leeyahay.

Waxana wararku intaas ku darayaan maaddaama ciidankan millateriga ah ee imminka gacant ka qabtay gaadhigan hayb ahaan kazoo jeedaan koonfurta Sanaag in kooxdan ciidanka ah ee baabuurka dhexda u gashay markoodii horeba qorshohoodu ahaa in ay halkiisa ku qabtaan gaadhigaas dibna ugu celiyaan ciddii lagala soo goostay haseyeeshee ay u suurta geli weydey kaddib markii waduhu ku adkaystay gaadhigiisa oo shaawacan inuu la jiidho raggaas

Sikastaba ha ahaatee xaaladda baabuurkan ayaa ah mid u dhow inuu yahay Gaadhi Maammul-goboleedkaasi leeyahay (GD) waxana la rajaynayaa subaxnimada berrito haddii waagu u beryo in xaqiiqada la isla gaadhi doono.

Somalilandpost.net

Ceerigaabo