WAR DEG-DEG AH: Seyf al-Islam Qaddaafi oo Gacanta lagu dhigay (SAWIRRO)

Tripoli, (SLpost)- Hoggaamiyeyaal sarsare oo ka tirsan milatariga dalka Liibiya ayaa shaaciyey inay gacanta ku dhigeen Saif al-Islam Gadhafi wakhti uu ku dhuumaalaysanayey badhtamaha dhulka saxaaraha ah ee dalkaas, sida uu sheegay wasiirka Cadaaladda ee dawladda ku-meel gaadhka ah.

Sida aanu ka soo xiganay telefishanka Maraykanka laga leeyahay ee CNN, waxa gacanta ku dhigay dagaalyahanno ka tirsan maamulka talada dalka la wareegay ka dib markii uu dhex maray dagaal ku dhex maray magaalada dhinaca Koonfur-galbeed ku taala ee Obari. Waxaana damaashaad iyo qoryaha oo kor loo ridayo laga maqlayey badhtamaha magaalada Tripoli wakhti uu soo shaac baxay warka sheegaya qabashada Saif al-Islam.

Seyf (Dhexda) iyo qaar ka mid ah dadkii lala qabtay oo diyaarad saaran

Wasiirka Cadaaladda ee golaha ku-meel gaadhka ah Mohammed al-Alagy ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Saif al-Islam iyo dhowr xubnood oo ilaaladiisa ah iyaga oo isku dayaya inay u gudbaan xuduudda dalka Niger

Bidix: Wiilka uu Qaddaafi dhalay oo diyaarad saaran

Dhanka kale, Cisman Mliegta oo abaan-duule ka ah guutada Al-Qa’aq ayaa sheegay in lagu soo wargeliyey qabashada Saif al-Islam isla markaana lagu dhaawacay dagaal dhex maray dagaalyahannada wakhti ay isku dayeyeen inay gacanta ku dhigaan.

Waxa uu sarkaalkani sheegay inaanu hadda ku sugnayn magaalada Zintan balse la qorshaynayo in lagu soo qaaday diyaaradaha nooca qumaatiga u duula si loo geeyo magaalada Tripoli.

Dadka reer Liibiya oo dabaal-degaya Qabashadii Seyf al-Qaddafi ka dib

Saif al-Islam oo intii dagaaladu dalkaas ka socdeen lagu suntay dambiile dagaal isla markaana booliska caalamiga ahi amreen in la soo xidho bishii September, waxa haatan laga doonayaa maxkamadda dambiyada caalamiga ah oo ku eedaynaysa dambiyo ka dhan ah bani’aadamnimada.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net