WAR DEG-DEG AH: Masuuliyiin loo haysto Eedo Musuq-maasuq oo Ciidamada Dambi-baadhistu Xabsiga u taxaabeen

Hargeysa, 10 March, 2012 (SLpost)- Ciidamada Dambi-baadhista ee Somaliland ayaa maanta Xabsiga u Taxaabay Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex Md. Axmed Cumar X. Cabdilaahi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta Md. Axmed Cilmi Barre iyo La-taliyihii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cismaan Siciid Jaamac.

Masuuliyiintan la xidhay oo ilaa hadda baadhitaan lagu wado, ayaa lala xidhiidhinayaa tuhun xoolo dadweyne oo la musuq-maasuqay kaas maalmihii ugu dambeeyey bulshada magaalada Hargeysa si weyn u hadal-haysay ka dib markii la waayey Raashin mucaawimo ah loogu talo galay dadka danyarta ah iyo kuwo ku dalka gudihiisa ku baro-kacay, kaas oo sida la sheegay dad gaar ahi ka weecsadeen dadkii tabaalaysnaa ee loogu talo-galay.

Dhacdadan ayaa noqonaysa fadeexaddii musuq-maasuq ee ugu weynayd ee soo wajahda xukuumadda madaxweyne Siilaanyo tan iyo intii ay talada dalka la wareegtay.

Ilaa hadda ma jiraan faahfaahin intaas dheer oo Xukuumadda ka soo baxday, balse waxay ay warbaahinta ka dhur-sugaysaa tallaabada uu Madaxweyne Siilaanyo ka qaado Fadeexadda musuq-maasuq ee Xukuumaddiisa la soo wajahday iyo haddii Masuuliyiintaas lagu waayo Eedaha ay u xidhan yihiin.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net