War Deg-Deg Ah: Alle Ha Naxariistii Guddoomiyihii Bangiga Djibouti Oo Wax Yar Ka Hor Ku Geeriyooday Cisbitaal Ku Yaala Magaalada Nairobi

Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd

London (SLpost) – Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Baanka Dalka Djibouti Jaamac Maxamuud Xayd ayaa goor dhawayd ku geeriyooday Cisbitaal ku Yaala Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya, halkaas oo uu mudo u yaalay xaalad caafimaad.
Alle ha naxariistee Marxuumka ayaa la sheegay inuu dhiig Madaxa-kaga furmay, isla markaana ay mudo xaaladiisa caafimaad la tacaalayeen dhakhaatiir khubaro ah oo jooga Magaaladda Nairob, balse Xaqii ayaa helay sida ay noo xaqiijiyeen xubno u dhuundaloola xaalada Guddoomiyiha Bangiga Dajibouti oo ah nin door laxaadle ka soo ciyaaray horumarka dalka Djibouti, isla markaana ahaa Maskaxdii ka danbaysay maalgashiga uu dalkaasi helay mudooyinkii ugu danbeeyey oo wax badan ka badalay xaaladihii nololeed ee dalkaas, isla markaana dad badan oo bilaa shaqa ah loogu abuuray fursado shaqo.

alla ha unaxariisto marxuunka qoyskii ,qaraabadii ,ehelkii iyo asxaabtuu kabaxeyna samir iyo iimaan alle ha kasiiyo ,

wixii warar inataa ka soo kordhana waxaan idiinka soo tabindoonaa SomalilandPost.net