WALLEE CAAQILADU TANAY WADAAN CAMALKALAA U DHAAMA Qalinkii : Libaan Xaji Fagadhe

Tan iyo maalintii Ingriisku dhulkeena soo dagay oo ku beegnayd dabaqaayadii qarnigii siddeed iyo tobanaad, sida  aynu suugaanta Somaaliyeed ka dheehan karno, waligeedba waxa la arki jiray cuqaal ama odoyaal  danta ummada ku badalata wax afkooda buuxiya.

Gabayaagii waynaa ee Faarax Nuur, aqoona Eebe u siiyay in uu meel dheer wax ka arko ayaa waxa u aad uga xumaaday odoyo Ingriisku lacag siiyay, diyaarna u ahaa in ay fuliyaan wixii looga baahdo. Gabayaagu isaga oo dadka fahansiinaya ujeedooyinka gumaysiga, una digay waji ku maacaashyada hoos boodaya waxa uu yidi;

Ingiriis Axmaar iyo Talyaan wey akeekimiye

Arligaa la kala boobayaa nin u itaal roone ( Hantidaa la kala boobayaa nin u itaal roone)
Anse ila ah aakhiru Sabaan iligyadiisiiye

Orgigaa riyaha taadaxoo oodda faaliga e
Waa duni hablihii loo ogaa aqalka diideene
Anse ila ah aakhiru sabaan iligyadiisiiye

Waa duni la kala iibsaday oon nala ogeysiine   (waa Habro lakala iibsaday oon nala ogaysiine……
Waa duni akhyaartii go’day oo aaran soo hadhaye ( Akhyaartii go’day waa Cigaal, A Tuur, M.Goodaad, Ina Sheekh madar,Garaad Cabdi Qani , Suldaan Maxamed Suldaan Faarax……Aaranku waa Xirsi, Dhuxul, Cukuse,Shabeel iyo Moorgan.
Waa duni ninkaad aamintaa kuu abees yahaye   ( waa duni ninkaad doorataa kuu abees yahay … waa Siiraanyo
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

Waa duni xaqii la arkayaa la arjumayaaye ( waa doorashadii golaha degaanka iyo sidii loo arjumay
Waa duni Akhyaartii lahayd iib ku doon tahaye  ( waa duni Golayaashii loo igmaday iib ku doon tahay
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

Afka iyo adduunkaa hadloo oodan? sadarkiiye  ( Dhahabshiil iyo aduunkiisaa hadloo oodan sadarkiiye
Ninka gacanta midig oodan tahay laga ilroonaaye  ( gacanta midig nimanka aan hantida umada ku musarif (israaf) tahay waa Xasan Ciise iyo Mohamed Xaashi
Anse ila ah aakhiro sabaan iligyadiisiiye

Nimanyahow bal daya xaajada lala aguugaayo (waa shuquladan Boobe u magaca bixiyay ee lala aguugaayo shaashadaha iyo TVga qaranka ka buuxa
Odayaashan loo yeedhay ee la anfaca siinaayo ( waji ku macaashyadan loo yeedhay ee Siiraanyo anfaca siinaayo
Asxaabihii bayna yidhi gaal ha aaminine

Haddaa niman Islaamiyo tihiin aadan faracdiisa
Oo aydnaan Ilaahay ka go’in hayna oodina’e
Haduu awrka dooxada ku furo eel kalaa xigiye
Inaga daaya yaynaan ku dhicin bahal afkiisiiye.

 

 

  Markale ayaa gabayaa wayn oo la odhan jiray Ismaaciil Mire isaga oo ka hadlaya aafada ka dhalan karta ficilada waji ku macaashka ayaa gabaygiisa waxa ka mid ahaa..

Wallee caaqiladu tanay wadaan camal kalaa u dhaama.

 

Hadaba wakhtigaa, abwaanada kor ku xusani waxa ay haysteen aalada ugu dhakhsaha badan ee warka loo gudbiyo uguna saamaynta badan kaas oo ahaa gabayga. gabayada noocani waxay xaddidi jireen ama halkooda ku xakamayn jireen hagardaamooyinka caado qaatayasha. Nasiib darro, maanta gabaygu maaha aalada koowaad ee wax laysugu diro halkiisii waxa buuxiyay warlaliye maqal iyo muuqaalba leh iyo mareego caynba cayn ah.

 

Dabayaaqadii bishii barakaysneed ee Ramadaan ee ay dadku ku mashquulsanaayeen cibaadada  ayaa TVga qaranka waxa ka muuqday  tobbaneeye oday oo si wacan u labisan, qurux iyo haybadina ka muuqato , waxa ay fadhiyeen madal bilicsan, magacyada waxa u weheliya, Suldaan, Garaad, Caaqil sare, Boqor hada intaas oo dhami waa intii aanay hadal.

waxay hadalkoodii ku bilaabeen(Ergo wixii la siiyana way cuntaa, wixii lafarana  way qaadaa). Sida ay wax u dhici doonaan waxa ingaga filan maahmaahda ay doorteen oo Illaahay hortii aanay been ka sheegin. waxay ku soo afureen madaxtooyada saambuuse, timir iyo sharaab wixii la siiyay way cuneen ilayn wa sida ay hadalka u dhigeene, dabadeeto wixii cay iyo aflagaado la soo farayna way soo qaadeen waxaanay kula dul kufeen rag aynu wada garanayno qiimahooda.

Ergadani oo ahay Ergo janjeedha  Rag iyo Rabbi toona aqoon, waxay ku guul daraysatay inay go’a saarto runta, waxanay bar badow ku noqotay sharaftii iyo karaamadii salaadiinta Soomaliland lagu yaqaanay.

  Taariikhda hadaynu dib u yara jaleecno, odayaasha noocan ahi inaguma cusba. Siddeetanadii waxa jirtay ergo wixii la siiyana cuni jirtay wixii la farana qaadi jirtay. waa odayadii afwayne urrurin jiray, manfac yar dabadii la gayn jiray raadyow Hargaysa iyo muqdisho. waa kuwii odhan jiray kuwa baxay waa qudhmis waxaana inoo banaan in aynu naagahooda guursano. Dawlada hada joogtaana waxay sida fiinta uga qaylin jirtay odoyo garta cuyubka u dhigi jiray wakhtiyadii Riyaale waxaa jirtay in xataa wakhtigii Riyaale iyagoo ujeeda Siilaanyo iyo Beelo yidhi magaaladayada hanooga baxaan waa kuwii isaga sidaa lahaa kuwan uu maantana adeegsanayaa oo waliba six un uga qeylinjirey isagoo waliba kusoo celceliya tvga qaranka iyo qaabkii uu ushaqeynaayey bal hada ufiirso kharashkaa lagu abaabuley odayaasha daraf ilaa daraf wuxuu Arad tarilahaa Agoomihii mujaahidiinta iyo dadka danyarta ah waxaanay cadeyn utahey musaq maamuqii ay golaha wadatashigu tilmaameen.

 

 Hadaba, markaad ka timaado is-fahan la’aanta Golaha iyo xukuumada, waxaa soo baxday baahiida loo qabo in Gole toosineed laga ag sameeyo golaha odayada, sababtuna waxay tahay nin mushahar ka qaata dawladu uma dhexaynkaro iyada shacabka. Tusaale; wakhtigii ay taagnaayeen mashaakilkii doorashooyinkii golaha deegaanku ayaa niman salaadiini waxay ka hadleen wax is-dabamarintii ka dhacday deegaanadooda, Duur oo marka ahaa wasiirka A Gudaha ayaa ka cadhooday eedaha loo soo jeediyay ayaa isaga oo TVga ka hadlaya waxa u yidhi; ‘ uma dulqaaqdanayno salaadiinta warbaahinta naga eedaynaysa, waxaanu ku hanjabay in u liiska dawlada ka saari doono, mushaharkana laga goyn doono cidii waxaa ku kacda. Miyaanay inoo cadayn cida ay u shaqeeyaan.

 

Bal hada u fiirso muddada kaliya ee aan la wehelinini waxay ahayd dabayaaqadii siddeedtanaadkii ilaa 94kii. Waa muddada kaliya ee odayadeenu xor ka ahaayeen dowlad dhexe. Lixdaa sano waa qaar ka tilmaaman sanadaha, haday tahay waxtarkii ay ka gaysteen xorrayntii dalka, dib u heshiisayntii beelaha, dib ula soo noqashadii qaranimada, samayntii guurtida, dib u habayntii Somaliland iyo guud ahaanba dhexdhexaadintii shaqaaqooyinkii joogtada ahaa xiliyadaa. Intii ka dambaysay 94kii waji-ku macaashku waa jiray balse halka ay maanta gaadheen waa iska horkeen iyo heer aan la eegan Karin.

Sadex sano kahor aynu eegno Cismaan Hindi halkuu taagnaa iyo wixii uu sameynaayey waxaa loosoo xereeyey Muuse Biixi oo isna kaalinta uu kaga jirey ladoonista kursiga Siilaanyo aynu ogeyn,Cali Xoorxoor isna aynu garaneyno oo uu tusaale usoo qaadanjirey marka uu ka hadlaayo Musuqmaasuqa waxaa loo soo xareeyey Ibraahin Dhagaweyne oo isna aynu garaneyno kaalinta uu kaga jirey        la raadinta isagoo ka baxay kulmiye hadana u ololeynaayey in ladoorto  madaxweyne siilaanyo  intaas tusaale ahaan ayeynu usoo qaadaney ee hadey noqoto odey iyo siyaasi ba waxa uu soo xareystey ninba ninkii uu uga  godoboobey ayuu ka soo dhaweystey waana siyaasada dowlada ninba nin kudhufo,odey odey kudhufo,degmodegmo ku dhufo kadibna iskuwada dhufo.

sawir-200x300

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dhamaad

Guul Alle