“Wallaahi Ma Jirto Somaliland Dib Looga Noqonayaa” – Guddoomiyaha Golaha Guurtida

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay inaanay Somaliland dib ugu noqon doonin midnimo Soomaaliyeed, waxaanu u soo jeediyey Soomaaliya inay aqbasho madaxbannaanida Somaliland.

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa hadalkan ka sheegay munaasibad xalay lagu qabtay madaxtooyada Somaliland oo lagu xusay 62-guurada kasoo wareegtay markii ay Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay Boqortooyada Britain oo ahayd 26-kii June 1960-kii.

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka ah oo uu u soo jeediyey inay sharciyadda dalka ixtiraamaan, midnimada iyo wada-jirka bulshadana muhiimad gaar ah siiyaan.