Wakiillada oo fashiliyey Heshiiska Doorashada iyo Murankii Saaka Hadheeyey Golaha

Hargeysa (SLpost)- Fadhiga maanta ee Golaha oo uu shir-guddoominayey ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle, ayaa markii uu furmay iyadoo warbixinta Nuxurka Heshiiska loo jeedinayo mudaneyaasha, waxa ka dareeray xildhibaanada laga soo doortay Gobolada Awdal, Sool iyo Sanaag, kuwaasoo sheegay in aanu ahayn heshiiskani mid ka turjumaya dhamaystirka caqabadaha ku gedaaman Doorashada.

 

Waxa kale oo ay ku dooddeen in aanu heshiiska saddexda Xisbi Qaran ahayn mid ka turjumaya masiirka Gobolada darafyada.

 

“Xisbiyada waxay ku heshiiyeen nama khuseeyo… kumaba jirno xisbiyada,”  Sidaas waxa yidhi Xildhibaan Cali Barre oo ka hadlay shir-jaraa’id ay wadajir u qabteen mudaneyaasha laga soo doorto Goboladaasi.

 

Xildhibaanno kale oo kamida Golaha ayaa sheegay in mudaneyaasha ka darreeray kulanku ay ku socdaan qorshe Xisbiga Kulmiye dabada ka riixayo.

 

Faahfaahinta warkan kaga bogo Halkan

 

 

Daawo Madashii maanta ee Golaha

 

https://www.youtube.com/watch?v=RCoBgKsabjA