WAKIILLADA: Jewigii Fadhiga baaqday, Nuxurka Mooshinkii Qorshaysnaa iyo Is-casilaaddii Qarsoonayd ee Guddoomiye ku-xigeennada

Hargeysa (SLpost)-  Fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada Somaliland oo loo ballansanaa inay mudaneyaashu dood ka yeeshaan Xeer Baananka Ganacsiga oo golahaas yaala, ayaa u baaqday sababo la xidhiidha khilaaf huursan oo akhlabiyadda xildhibaannada golahaasi ku damacsanaayeen inay badka soo dhigaan mooshin cusub oo ka dhan xeer-hoosaad dhawaan goluhu Ansixiyey.

Mudaneyaal tiradoodu kor u dhaafayso kala-badh tirada Golaha oo qaarkood hore u ogolaadeen ansixinta Xeer-hoosaadka Cusub ee golaha, ayaa fadhigii shalay diyaar la ahaa inay soo dhigaan mooshin ujeeddadiisu ahay wax ka beddel mar kale lagu sameeyo xeer-hoosaadka golaha, haseyeeshee waxa soo dhex-galay isla markaana dalbaday in fadhigaas la baahiyo Odayaal ka tirsan golaha Guurtida oo uu hoggaaminayey Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golahaas Md Siciid Jaamac Cali, kuwaas oo doonayey inay ka hortagaan ismaan-dhaaf iyo khilaaf xamaasad wata oo dhexmara mudaneyaasha mooshinka wata iyo garabka guddoomiye Cirro ee Golaha.

Sababtii Baaqashada iyo Ajandihii Fadhiga shalay

goalahMarkii uu guddoomiyaha Wakiilladu furay Kal-fadhiga golaha waxa hoolka weyn ee golaha soo galay xubno uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Guurtida Siciid Jaamac Cali oo guddoomiyaha wakiillada ka dalbaday in dib loo dhigay fadhiga shalay. Guddoomiyaa Wakiillada ayaa markiiba ku soo dhaweeyey Shir-guddoonka guurtida makarafoonka, waxaanu yidhi Md Siciid Cali oo la hadlayey mudaneyaasha, “Aniga oo ku hadlaya magaca shir-gudoonka Golaha guurtida, aniga iyo xubnaha ila socdaa waxaanu halkan maanta (shalay) ka codsanay guddoomiyaha Wakiilladu in dib loo dhigo fadhiga Golaha.” Intaas ka dib, guddoomiyaha Wakiillada ayaa soo xidhay fadhigii, “Waa la aqbalay, sidaasuu ku xidhan yahay fadhigu,” sidaa waxa yidhi Guddoomiye Cirro oo mudaneyaasha ku wargeliyey inuu fadhigu xidhan yahay, taasina waxa ay mar kaliya beddeshay jewigii golaha, waxaana arrintaas ka xumaaday xildhibaannadii watay mooshinka ka dhanka ah guddoomiye Cirro.

Intaas ka dib, waxa war-fidiyeennada xafiiskiisa kula hadlay Guddoomiyaha Wakiillada oo faahfaahin ka bixiyey sababta baajisay kulanka, waxaanu yidhi, “Shirka maanta waxaanu dib ugu dhignay codsi ka yimi Golaha Guurtida; odayaasha oo uu hoggaaminayo ku-simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Guurtida, ayaa iyagu dareenkooda ku yimi, codsina umaanaan dirin, iyagaana dalbaday in Golaha maanta (shalay) loo hakiyo.

Markii aanu Golaha Hakinayna, way ii yimaaddeen oo waxay yidhaahdeen waxaanu u baahannahay maalmo dheeraad ah si ay hawsha ay u socdeen u dhammaystirtaan, in kastoo aanay wax tafaasiil ah isiinin.”

Guddoomiye Cirro oo ka hadlayey Ajandaha Shalay u qorshaysnaa fadhiga shalay ee Golaha iyo waxa uu ka ogyahay mooshinno ay wateen mudaneyaasha qaarkood, waxa uu yidhi, “Shaqo-maalmeedkiisii caadiga ahayd ee Goluhu waxa ay ahayd inuu sii wado dooddii xeerka baanka Ganacsiga, haseyeeshee in kasta oo aanay jirin wax isoo gaadhay, haddana waxa la hadal-hayey Mooshinno qaarkood xukuumaddu maalmahan wad-wadday oo ay xildhibaannada Suuqa kaga saxeexaysay, waa la sheegayey in la wado. Shir-doceed ay u qabteen guddiga Joogtada ah oo ay wax ka saxeexeen waa la sheegayey.”

Xaaladdii Guddoomiye ku-xigeennada

basheGuddoomiye ku-xigeennada Golaha Wakiillada Somaliland Md Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf oo aan golaha Wakiillada ka soo xaadirin tan maalintii la ansixiyey wax-ka-beddelka lagu sameeyey xeer-hoosaadka Golaha ee hoos u dhigay awooddii ay ku lahaayeen shir-guddoonka, ayaa ka soo xaadiray fadhigii shalay ee golaha iyaga oo dhex-fadhiistay mudenayaasha dhexdooda, kana biyo-diiday inay fadhiistaan kuraasida huwan meeqaamka xeer-hoosaadka cusubi u jideeyey. Haseyeeshee arrintaasi waxa ay muujisay miisaanka uu xambaarsanaa mooshinka ay wateen garabka ay hoggaaminayeen labada guddoomiye-ku-xigeen, iyada oo loo micnaysan karay inay labada guddoomiye ku-xigeen iska casileen xilalkii ay hayeen, diyaarna u ahaayeen inay u tarmaan jagooyinka guddoomiyaha iyo ku-xigeennka 1aad ka dib mooshinka ay wateen ee wax lagaga beddelayey tirada mudaneyaasha xilka ka xayuubin kara guddoomiyaha.

bashe3Nuxurka Mooshinkii ay Xildhibaannadu wateen

Marka laga yimaaddo Ajandaha u qorshaysnaa fadhiga ee shalay ee Golaha, waxa diyaar ahaa Mooshin ay ku saxeexnaayeen 54 Mudane oo ka tirsan Golaha Wakillada oo lagu socodsiiyey Guddoomiyaha iyo labada guddoomiye ku-xigeen ee Golahaas, kaas oo ujeeddadiisu ahayd soo-jeedin wax-ka-beddel ku saabsan qodobbo ka mid ah Xeer-hoosaadka Cusub ee Wakiillada kuwaas oo ka hadlaya tirada mudaneyaasha xilka ka xayuubin kara guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa.

Qodobbada ay mudanayaashani doonayaan in wax-ka-beddel lagu sameeyo ayaa kala ah Qod. 10aad, xubintiida 2aad, xubinta 4aad; Qod. 25aad, xubinta 2aaad, xaraf (C) ee Xeer-hoosaadka Golaha.

12Mooshinka fashilmay ee mudaneyaashu wateen oo nuqul ka mid ah Wargeyska Himilo helay, ayaa nuxurkiisu ahaa in wax ka beddel lagu sameeyo qodobbada xeerka ku jira ee jidaynaya tirada mudaneyaasha xilalka ka qaadi kara guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa, kuwaas oo dhigaya in guddoomiyaha iyo ku-xigeennada ay xilka ka qaadi karaan laba meelood saddex meelood tirada mudaneyaasha Goluhu oo u dhiganta 55 cod iyo tirada mudaneyaasha soo jeedin jira mooshin xilka laga qaadi karo oo dhan hal meelood saddex meelood oo u dhiganta 27 Mudane. Balse, mudaneyaasha mooshinka watay waxa ay soo jeediyeen in tirada xildhibaannada xilka ka xayuuyin kara shir-guddoonka Wakiillada laga dhigo Hal dheeri kala badh tirada xildhibaannada oo u dhigan 42 cod. Waxa kale oo ay soo jeediyeen in qodobka 10aad ee xeer-hoosaadka lagu kordhiyo farqad 8aad oo tilmaamaya in guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa lagu doorto cod hal-dheeri ah oo micne ahaan noqonaysa inay dooran karaan 42 mudane oo ka mid ah 81 xildhibaan ee Golaha wakiillada.

SOMALILANDPOST.NET