Wakiilka Somaliland Ee Itoobiya Oo Si Diblomaasiyadeed Uga Hadlay Xilka Cusub Ee Loo Magacaabay

Hargeysa  (SL.Post) Wakiilka Somaliland ee Itoobiya Danjire Aadan Muuse Jibriil, ayaa ka hadlay isku shaandhayntii u dambaysay ee uu Madaxweyne Siilaanyo sameeyay taas oo loogu magacaabay inuu noqdo wakiilka Somaliland ee Midowga Afrika, halka wakiilka Somaliland ee Itoobiya loo magacaabay Cali Warancade oo ahaa wasiirkii daakhiliga.

 

 

 

Danjire Aadan, oo isagoo jooga magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya xalay khadka telefoonka ugu waramay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu yidhi “Anigu nin keligii shaqo doon ah ma ihi, anigu barnaamij ayaan taageeraa ama diidaa, barnaamijka aan taageeray wuxuu ahaa isbedelkii ka dhacay xisbiga KULMIYE  gudihiisa, iyo isbedelkii ka dhacay Somaliland bishii November ka dib .”

 

 

 

 

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Barmaanijkaas ayaan anigu u taaganahay wax shakhsiya uma taagni, barnaamijkaasina waxa weeye in siyaasadda dibadda iyo ta’ gudaha labaduba isbedel ku yimaado. Markaas anigu barnaamijkaas ayaan taageersanahay, Muuse iyo murashaxnimadiisa ayaan taageersanahay, dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka oo wakhtigoodii dhaca ayaan aaminsanahay oo aan u shaqaynayaa, xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiyana intii aan halkan imid isbedel weyn ayaa ku dhacay ilaa iyo Midowga Afrika ilaa IGAD in alla intii aan ka shaqaynayay waxaan aaminsanahay inaan xageena u soo jeediyay.”

 

 

 

Danjire Aadan, wuxuu sheegay inuu dhawaan imanayo magaalada Hargeysa ee caasimadda islamarkaana uu bixin doono faahfaahin intan ka badan.

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa