“Wakhtiga Aanu Doorashada Ugu Tala-galnay Ayaa Jadwalkiisa Lagu Socdaa” Afhayeenka Guddida Doorashooyinka

Hargeysa  (SL.Post) Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland Siciid Cali Muuse, ayaa sheegay in hawlahooda shaqo ee ku saabsanaa Jadwalka Doorashada uu u socdo sidii ay ugu talagaleen, waxaanu xusay in wax muddo kordhin la yidhaahdo oo iyaga ka timid ama ay wadaan  aanu jirin.

 

 

 

 

Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Siciid Cali Muuse ayaa sidoo kale ka hadlay Diiwaangelinta cod bixinta ee Gobolka Sool oo la filayo in Gobolkaas si rasmiya uga bilaamato Bari, waxaanu kula dardaarnay dadka Gobolka Sool inay is diiwaangeliyaan, oo ay qaatan kaadhka ay xaq u leeyihiin, wixii khaladaad ahna iska ilaaliyaan, waxaanu yidhi “Wax is bedela maanu arag, wax la kordhinaayana maanan maqal,wax rasmiya oo na soo gaadhayna ma jirto, wixii war suuqa ah ee la isla dhex marayo waa halkeeda, wax badan baa la sheega oo aan waxba ka jirin,laakiin jadwalka anaga noo dagani waa mid sidiisi u socda, oo wakhtigii aanu Doorashada ugu talagalnay ayaa jadwalkiisi lagu socdaa, si habsamiya iyo sidii aanu ugu talagalnay ilaa alaankaas ayey noogu socdaan”.

 

 

 

Afhayeenka Komishanka Siciid Cali Muuse mar uu ka hadlaayey Diiwaangelinta ayaa yidhi “Diiwaangelinta Gobolkii ugu dambeeyey lixda Gobol ee Jamhuuriyada Somaliland bari (maanta), oo Axad ah ayaa la daah furi doonaa, oo laga furi doona Magaalada Laascanood oo Gobolka Sool magaalo madax u ah, waxaana Diiwaangelintu gobolkaas ka bilaami doonta maalinta isniinta, ee bishu 23 tahay, , goobaha ay diiwaangelintu Gobolka Sool ka dhacaysa waa 153 goobood, waxaanu faraynaa dadka reer Sool inay is diiwaangeliyaan, waayo waa muhiim inuu qofku codkiisa muujiyo,wacyigelina Komishanku iyo Hay’addo  kaleba wey ku sameeyeen, waxaanu doonaynaa oo aanu jecel nahay in dadka reer Sool ay codkooda muujiyaan, waxayna ku muujinayaan inay is diiwaangeliyaan, Diiwaangelintu sidaas bay muhiim u tahay, qof kasta oo 16 jir ah oo 16 jir noqonaya maalinta la is diiwaangelinayo, diwaangelintaasi wey u furan tahay, waxaanu dadka uga digaynaa inay ku noq-noqdaan, waayo ku noq-noqashada qofka wuu qabanayaa, xittaa haddii aanay Diiwaangelintu toos ugu soo dhacayn xarunta Komishanka, xitta haddii aanay ku soo dhacayn oo maalmo ka bacdi ay ku soo dhacdo mar walba wey sheegaysaa qofkaasi inuu ku noqday, hadhawna qofku wuxuu waayayaa xuquuq aad u fara badan,  oo ah inuu codkiisi waayo oo hadhaw ma codeynayo qofkaasi.

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa