Wakaaladda Wararka ee SOLNA oo Guddoomiye iyo ku-xigeen ku cusub loo magacaabay

Wasiir-Ku-xigeenka-warfaafjntaHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa wareegto uu maanta soo saaray Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen cusub ugu magacaabay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, halka sidoo Guddoomiyahii hore ee Wakaaladda uu u magacaabay La-taliyaha Wasiirka Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu Guddoomiyaha Wakaaladda Wararka ee SOLNA u magacaabay Xuseen Aadan Yuusuf oo hore u ahaa guddoomiye ku-xigeenka wakaaladda, halka guddoomiye ku-xigeenka cusub loo magacaabay Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo ka mid ahaa Hawl-wadeennada Wakaaladda Wararka iyo Idaacadda Radio Hargeysa.

Wareegtada Wasiirka uu masuuliyiinta cusub ugu magacaabay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa u qornayd sida tan: “Ka dib markii aan arkay baahida dar-dargelinta Hawlaha kala duwan ee Wakaaladda Wararka ee SOLNA ay u hayso qaranka, waxaan laga bilaabo maanta  aan u magacaabay Xuseen Aadan Yuusuf “Kurdi” gudoomiyaha Wakaalada Wararka ee SOLNA. Waxaa kale oo aan guddoomiye ku xigeenka Wakaallada wararka SOLNA u magacaabay Yuusuf Maxamed Ismaaciil.”

Geesta kale, Waxa uu Wasiirka Warfaafintu u magacaabay guddoomiyihiii hore ee Wakaaladda Wararka ee SOLNA Axmed Ismaaciil Xuseen inuu noqdo la taliyaha Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta .

Wareegtadan Wasiirka waxaa lagu sheegay in dhamaan Weriyeyaashii Wakaaladda hoostagi jiray la hoos geeyay Xafiiska Madaxa Wararka iyo barnaamijyada ee Raadyow Hargaysa.

Waxaa kale oo wasiirka warfaafintu wareegtadan ku cadeeyay in wixii hada ka danbeeya ay Weriyeyaal u noqonayaan Wakaalada SOLNA dhamaana weriyeyaasha ka hawl gala qaybaha kala duwan ee wasaaradda Warfaafinta.

SOMALILANDPOST.NET