Wajaale: Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo badankoodu Curyaamin yihiin oo dib loo celiyay

Wajaale (SLpost)- Dawladda Somaliland ayaa dalka Itoobiya dib ugu celisay Soddon qof oo Tahriibayaal Curyaamiiin ah oo ay googgo’an yihiin Lugaha iyo Gacmuhuba oo sida ay sheegeen doonayey inay yimaddaan Caasimadda Hargeysa.

Soddon qof oo la sheegay inay dhammaantood u dhasheen Qoomiyadda Oromada Itoobiya, ayaa Jimcihii Xafiiska Laanta socdaalka Somaliland ee Tog-Wajaale dib ugu celiyay dhinaca Itoobiya ee isla magaalada Wajaale. Sida uu ku soo warramayo Weriye Cabdiraxmaan Nuux oo ku sugan Wajaale, Tahriibayaashan Naafada ah, oo la sheegay in qabqabashadooda galinkii danbe ee Jimcihii ay aheyd markii labaatanaad ee laga celiyo iyaga oo ka soo gudbay xuduudda Somaliland iyo Itoobiya, gaar ahaan dhinaca Somaliland, ayaa la sheegay in ay yihiin dadka dhinaca Itoobiya kaga dawarsada nabarrada kaga yaalla Gacmaha iyo Lugaha iyo googgo’a qeybaha Jidhkooda, kuwaas oo u soo xadhko-xidhay inay dabayaaqada bishan Ramadaan u gudbaan dhinaca Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley Maxamad Cabdi Gaas oo Warbaahinta uga warramay Tahriibayaashaas Naafada ah ee ka yimi dhinaca Itoobiya ee ay ka celiyeen Tog-Wajaale, ayaa sheegay, inay bisha Ramadaan gudaheeda tahey markii labaatanaad ee ay dadkan Naafada ah oo qaar Lugahoodu aad u bararsan yihiin, qaarna gacmaha iyo Luguhu go’an yihiin ka celiyeen xuduudda Tog-Wajaale ee u dhaxeysa Somaliland iyo Itoobiya, taas oo ay hadba dhinac kaga wareegeen iyagoo kaashanaya Darawaliinta gaadiidka isaga goosha Hargeysa iyo Tog-Wajaale oo iyagu Tahriibiya dadka noocan ah, kuwaas oo muwaaddinimada aan wax qiimayn ah ku samaynaynin sida uu sheegay Taliyuhu.

Waxa kale oo uu Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley Maxamed Cabdi Gaas ka warramay inaan dadkan Caafimaadkoodu wanaagsaneyn. Waxaanu Taliye Gaas oo arrintaa ka hadlayaa yidhi; “Waxey dadkan qaarkood qirteen in ay dhawaan kasoo baxeen Cusbataallo ku yaalla dalka Itoobiya, Hargeysana ay u tagayaan sidii ay lacago badan uga soo heli lahaayeen iyagoo, ku dawarsanaya dhaawacyada ka muuqda jidhkooda.”

Dhinaca kale, waxa la sheegay in dadkan qaarkood ay kasoo yaaceen Cusbataalka Bisi-diimo oo  ku yaalla meel u dhow Magaalada Herer ee dalka Itoobiya, halkaas oo lagu xereeyo dadka qaba xanuunka juudaanka, hase yeeshee, sida ay sheegeen dad xogp-ogaal ah xilli kasta sannadkan oo kale dabyaaqada bisha Ramadaan ay dadkani kasoo yaacaan Cusbataalkaasi iyagoo lacagaha Sekada ah u doonanaya Magaalooyinka Herer, iyo inta ay gaadhi karaan, iyagoo kootarabaan kaga soo baxsada Cusbataalkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, waxey halis u yihiin dadka noocan oo kale ahi xaaladda Caafimaad ee Somaliland, taas oo laga dareemayo marka aad ka ag dhawaato kumannaanka duqsi ee daba guuraya dadkaas, waxaanay Saraakiisha Laanta Socdaalku ka dacwoodeen Darawaliinta Gaadiidka isaga goosha Tog-Wajaale iyo Hargeysa oo iyagu si kootarabbaan ah ku gudbiya dadka noocan oo kale ah.

Hargeysa News Desk

somalilandpost08@gmail.com