Wafti Ka Socda Dalalka Doorashooyinka Somaliland Ka Caawiya Oo Dalka Soo Gaadhay  

Hargeysa (SLpost) Wafti ka socda Waddamada Somaliland ka taagera dhinac Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyada  ayaa maanta ka soo daegay  Madaarka Hargeysa.

Waftigani u imanayaan Arrimaha Doorashoyinka iyaga oo dabba Socda Digreetadii uu Madaxweyne Siilaanyo ku cayimay wakhtiga Doorashada ee ahayd in Doorashooyinka Madaxweynaha iyo Golaha Wakiiladu qabsoonto 28/03/2017.

Waftigan oo ka kala Socda Dalalka Midawga Yurub oo ay ugu horeyaan wadamada Ingiriiska, Maraykanka, Norwey, Sweden iyo Dalal kale ayaa waxa la filayaa in ay la kulmaan Madaxweynaha Somaliland, Xisbiyada Qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka iyaga oo kala hadlidoona arrimo khuseeya doorashooyinka dhawaan uun la mudeeyey.

Wadamadan ayaa Somaliland ka caawiya dhinacyo baddan oo ay ka mid yihiin kaba yaasha dhaqaalaha iyaga oo sanad walba siiya somaliland lacago baddan.