Waddo Xumada Haysata Xaafadaha New Hargeisa Iyo Biibsiga Waa Mid U Baahan Gurmad Deg-Deg ah: W/Q Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

RakadWaxaan si qiimo badan u salaamayaa dhamaan bulshada Somaliland iyo bahda war baahinta ee madaxabanaan.

Golaha deegaanka hargeisa waa shan iyo labaatan xubnood runtii xubin kastaaba waxay u galeen  golaha deegaanka waa dan isaga un u gaara waayo waxaad ka garanaysaa ma jiro mid qudha oo leh wax ha la qabto kuma arkaysid marnaba . taasina waxay sababtay in maanta wado xumadu sii balaadhato waliba qaybo ka mida magaalada hargeisa oo caasimadii ah ayaa waxaan kaba jirin wax wado ah habaysan  oo marka aad dhex  tagtid aad aad ula yaabaysid sida ay u eeg yihiin iyo sida dawlaa hoose markasta indhaha ugu daawato wado xumada dalka ka jirta sidaana aynu caasimad ku sheeganaynaa.

 Hadaba hadaan u soo dhaadhaco ujeedada ugu muhiimsan waxa weeye waxa jira xaafado badan oo hargeisa ay ku haysato wado xumo waxaana ka mida wadada new hargeisa  ee isku xidha hargeisa iyo burco ayaa ilaa inta laga baxayo xaafadaas waxaad ku arkaysaa wadadii oo aad u jajabsan,dilaacsan, taas oo markuu roob da,ana aad aad u naxaysid waayo looma samayn meel kaliya oo uu daadku maro, runtii waxa dawlada hoose  aanay aad u garanayn sida biyaha iyo roobabka la iskaga farsameeyo  iyagoon walina aan u samayn wax qorshe ah.

Hadaba bal soo fiiriya xaafada new hargeisa wadada wayn ee dhex marta ka dibna qiimeeya siday tahay walaahi waad naxaysaa hadaad aragto marka uu roob da,o iyo markastaba.

Waxa iyana soo raaca xaafada biibsiga oo iyaduna aanba lahayn wax wadaa taas oo markasta sababta in dadku karahsadaan dhamaan dawlada hoose iyo cidkasta oo awood u lahayn xalinta wado xumada dalka. Xaafada biibsiga waxa ku taal jaamacadii qaranka EE UNIVERSITY OF HARGEISA waxaanay u baahan tahay in si dhakhsaa wado loogu sameeyo oo aan la daawan wado xumada xaafadaha qaarkood waxa waliba soo raaca  xaafadahaasi ma laha goobaha qashinka ee loo yaqaan waste collection box kaas oo aanay lahaynba . ardayda jaamacada hargeisa  waxaan leeyahay idinkoo aqoontiina ku daraya bal isku daya inaad idinku samaysataan wadadaas imanaysa jaamacada si aad uga  maarantaan cidkalaba.

 Sawirkani waa mid ka mida xaafada new Hargeisa oo roob ku da,ay iyo sida ay noqotay.
Sawirkani waa mid ka mida xaafada new Hargeisa oo roob ku da,ay iyo sida ay noqotay.

Waxaan hadaba kula talinayaa dhamaan dawlada hoose iyo xildhibaanadeeda in lagu sameeyo qiimayn labadaas xaafadood inkastoo aanay iga hayn xumaan sheeg laakin ay iga tahay in wax la qabto oo aynu noqono dawlad meelkasta ka dhisan oo dadkeedu u bogeen.

Waxaan kaloo u baaqayaa dhamaan dadka degan xaafadahaas  new hargeisa iyo biibsiga inay dawlada  hoose la shaqeeyaan oo ay isku dayaan inay iyaguba dhistaan wadooyinkooda haday awoodaan oo ay xaafad xaafad wax uga ururiyaan gudida xaafadu waa ay ka maarmi karaan dawlad hoosaba farxad na way u noqonaysaa dawlada iyo  cidkastaba .

Xildhibaanadana waxaan leeyay kolay waad ku cusub tihiin shaqade ma fiicna in laydin canaanto ee waxa wanaagsan inaad samaysaan indho indhayn oo aad kormeer samaysaan marmarka qaarkood oo waliba aad ogaateen xaalada xaafada kolay waad ogtiin oo waaba aad dhex degan tihiin laakin wax qabadkiinii ayaa loo baahan  yahay .

N.B

Aynu qabsano waxkasta oo aynu qabsan karto .

Dawladana hoosana aynu kula shaqayno talo iyo toosinba

Farhan Mohamed Hassan sultan nur (Rakad)

 Email: farxaanmxd@gmail.com

TELL: 252263–4400319